Maqalle (hubaal) Hoggaamiyaha ciidammada TPLF ee dagaalka kula jira in ka badan hal sanno dawladda dhexe ee Itoobiya, ayaa sheegay in uu amar ku siiyay ciidamamdiisa inay isugu yimaaddaan soohdinta gobolka Tigray weliba si degdeg ah.
Warqad uu Qarammada Midoobay u qoray 19kii December, Debretsion Gebremichael waxa uu ku sheegay in TPLF ay soo jeedisay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, kadibna wadahadal lagu xalliyo colaadda Itoobiya.
Go’aanka hoggaamiyaha TPLF ayaa timi kadib guulo waaweyn oo dhuleed oo ay gaadheen ciidammada dawladda Itoobiya toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo dib ula wareegay ku dhowaad dhammaan magaalooyinka waaweyn ee gobollada Axmaarada iyo Canfarta oo hore gacanta ugu jiray fallaagada TPLF, kadib markii ay dagaalladu ku fideen gobollada dariska la ah Tigray tan iyo bishii July ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, Debretsion ayaa beeniyay in dagaalladii lagaga adkaaday.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka 3-aad ee Turkiga iyo Afrika, waana markii ugu horreysay ee uu dalkiisa ka baxo tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billowday.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa baraha bulshada ku shaaciyey xogta ku saabsan safarka Abiy Axmed iyo dhaqdhaqaaqyadii uu ka waday Turkiga tan iyo markii uu tagay.
Hoggaamiyeyaal kale oo ka socda Afrika ayaa ku sugan Turkiga, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Rwanda Paul Kagame.
In ka badan 30 hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa lagu soo warramay in ay ka qaybgalayaan shirweynaha Turkiga iyo Afrika oo sannadkiiba mar la qabto.