Hoggaamiyaha WADDANI Oo Dhabarka Soo Taabtay Odayaal Ay Jifo Hoose Yihiin Oo Ka Soo Horjeestay Horumarka Madaxweynuhu Ka Waddo Deegaannada Bariga

0
45

xirsi

Waxa ayaan daro inteeda leeg ah in maanta lagu gorgortamo wax dalka iyo dadka dan u ah oo ay weliba hormuud ka noqdaan kuwo dadku aqoon iyo siyaasad ku tuhmayaan.

Shalay ayey ahayd markii aynu arkaynay madaxweyne silaanyo oo kormeeraya sahaminta shidaalka dalka laga qodayo oo hadii lagu guulaysto dalka ka dhigi doona mid hodan ah sida wadamada khaliijka carabta, balse waxa hadana isla fiidkii soo baxay war aanan jeclaysan dhegaha inta samaha iyo horumarka jecelna waxyeelo u geysanaysa kaasi oo ay ku dhawaaqeen odayaal uu dhabarka soo taabtay Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu si weyn uga soo horjeeda beryahan danbe ama intii uu gaadhiga xukuumadu u waddo dhinaca wanaagsan iyo hiigsiga himilada waxqabad iyo horumarineed uu siibtay.

Waxaana ayaan daro inteeda leeg ah in maalinba ka la jaan qaadi waaya qaranku uu isku dayo dhabarjebinta danaha shacbigani u guntaday habeen iyo maalin, waxan leeyahay hoggaamiye xirsi shalay ayey ahayd markii aanu kuu sacabo tumaynay eed nagu dhiirigelinaysay in aanu xukuumada barbar istaagno maanta oo aad dibeda uga soo baxdayna aad odayaashaadi leedahay wax dila oo guba baabuurta horumarinta ka wada deegaamada ay degaan jifadaadu, taasi waxay natusaysaa in aad shalayna dano gaara ugu jirtay xukuumada maantana aad dano gaara ka leedahay arrimaha noocaasi ah wax ummadda kaa qabtana maaha hoggaamiye wax ay kaa filayeena maaha ee ka noqo oo odayaasha ha seejin toobada dalkan horumarintiisa iyo hiigsigiisa mustaqbal afar oday isma hortaagi karaane naftooda iyo nafaha dadka reer miyiga ah ha galaafan ayaanu ku leenahay.

Odayaasha iyo dadka reer miyiga ahna waxan uga digayaa laba mid in la qaldo iyo in la marin habaabiyo oo ay kala saari waayaan danahooda iyo danaha siyaasiyiinta aan wanaaga u wadin, waxanan kula dardaarmayaa inay ilaashadaan wixii horumar u ah ee degaanka iyo dalkaba waxtarka u leh waayo waa la tartamayaa shidaalkana laguma sheegin degaankooda oo qudha marka beri meel kale laga soo saaro eed u shaqo tagtaan ayaad dareemi doontaa dhibta iyo waxyeelada aad maanta u bu’aysaan ee ka noqda waxad ku dhawaaqdeen maaha wax shacbiga iyo dadkuba idinka aqbalayee.

By: Cali Maxamed Nuur

Togdheer/Burco

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here