Gudaha Ka Akhri: Shan Xubnood Oo Ka Mid Ah Kooxda Inqilaabkoodu Fashilmay Oo Istiqaalladoodii Lumisay Xubinnimadii Golaha Dhexe
Aqlabiyadda Xubnaha Golaha Dhexe Oo Ay Ku Jiraan Qurbejoog Dacallada Dunida Ka Kala Yimi Oo Ku Soo Xerooday Caasimadda Hargeysa+Xoghahaya Golaha Dhexe Oo HUBAAL Uga Warramay Gogol xaadhka shirka
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirro ka mid ah xubnaha ugu miisaanka cuslaa wasiirradii dhawaan iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la weriyey in istiqaalladoodu u horseeday in ay gebi ahaanba lumiyeen xasaannadii iyo xubinnimadii golaha dhexe ee codayn doona kalfadhiga golaha dhexe ee KULMIYE u ballansan yahay 10-ka bishan bilaabantay ee KULMIYE. Xubnahan oo golaha dhexe xubin kaga ahaa ama xasaannadoodu ku koobanayd oo keliya xilka ay qaranka u hayeen ee wasiirnimada ayaa is casilaadooda ku waayay mid kamid ah shuruudaha uu distoorka xisbigu ku waajibiyey xubnaha aanay beelluhu soo xulin ee golaha dhexe balse keliya ku fadhiyey magacaabista. Wargeyska HUBAAL oo u dhabbo-galay halka ay xubnahani kaga jireen golaha dhexe iyo dariiqooyinkii uu kamid ahaanshahoodu ku sifaysnaa ayaa ka war helay in shan wasiir oo kamid ahaa xayntii wasiirrada ahaa ee is casilay ay waayeen amma lumiyeen kalsoonidii iyo codkii ay ku fadhiyeen golaha dhexe kuwaas oo sida xeer hoosaadka xisbiga KULMIYe dhigayo dibada ka noqon doona shirka shanaad ee golaha dhexe isugu iman doono dhawaan. Xubnahan Wergeysku u kuurgalay xubinnimadooda ayaa ka kooban shan wasiir [afar wasiir iyo wasiir ku xigeen] oo uu ku jiro hoggaamiyehoodii, kuwaas oo kala ah: Wasiirkii wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii Wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii wasaaradda Waxbarashada Faarax Cilmi Maxamuud, wasiir-ku-xigeenkii wasaaradda hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq, iyo Wasiirkii wasaaradda hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isagu aan xubinimadiisa ku ahayn wasiir balse maalintii uu xilka wasiirnimada iska casilay sidoo kale ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinnimadii guddida fulinta, kii golaha dhexe iyo dabcan xubinnimadii xisbigaba.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in jagooyinka ay xubnahani banneeyeen lagu buuxin doono kuwa bedelkooda ah ee loo magacaabay wasaaradahoodii kuwaas oo fadhiisan doono kuraastii golaha dhexe.
Masuuliyiintan lumiyey xubinnimadii golaha dhexe ayaa lagu tiriyaa in ay ahaayeen giraanta fallaagada xasarada ka dhex abuurtay xisbiga, kuwaas oo is casilaadooda ay rayul caamku ku sunteen qorshe damaciisu ku wajahnaa inqilaab aan dhiig ku daadan inay kula wareegaan talada xisbiga iyo ta madaxtooyadaba.
Geesta kale xubnaha golaha dhex ee xisbiga KULMIYE ee ka qayb gali doona shirka tobanka bishan furmaya ayaa aqlabiyadoodu ku soo xerootay caasimadda Hargeysa, isla markaana iska diiwaangeliyeen xarunta dhexe ee xisbiga oo ay beryahanba ka socotay bixinta aqoonsiyada ay xubnuhu ku fadhiisan doonaan shirka.
Xoghahaya golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad) oo wargeyska HUBAAL ka xog waraystay halka ay marayso diiwaangelinta Xubnahan golaha dhexe iyo meelaha ay ka kala yimaadeen ayaa u xaqiijiyey in boqolkiiba sagaashan tiradoodu ay haatan ku sugan tahay Hargeysa iyaga oo iskaga kala yimi gobollada dalka oo dhan, sidoo kalena ay ku jiraan qurbe joog ka kala yimi dacallada dunida kuwaas oo imaatinkoodu gogol xaadh u yahay qabanqaabada shirka oo agaasinkiisu muujinyo in furitaankiisu aanu ka dib dhicin waqtigii loo cayimay.
Golaha dhexe ee lagu soo doortay shirweynihii afraad ee golaha xisbiga KULMIYE ee ka qabsoomay Hotel Maansoor ayaa tiradoodu dhan tahay 401 xubnood.