Hoggaamiye Dal Oo Dadka Is Furay Ku Qasbaya In Ay Isku Noqdaan

0
129

Hoggaamiyaha kaligii taliska ah ee dalka Jejniya Ramzan Kadyrov ayaa hormuud ka noqday olole ballaaran oo lammaanayaasha is furey loogu qasbayo in ay isku laabtaan, wuxuuna culumada Islaamka ku riixayaa in arrintaasi ay fatwooyin ka soo saaraan ama ay dadka ku wacdiyaan. Guddi uu arrintan u saaray Ramzan ayaa sheegay in ay ilaa hadda ay ku guuleysteen in ay dib isugu celiyaan 948 lammaane muddo lix toddobaad ah gudahood. Wuxuuna ku riixayaa in dadka diinta ku ad adag ee Ruushka ay ayidaan baaqiisa. Balse dumarka qaarkood ee carmalka ayaa ka cabanaya in la saaray culeys weyn oo xaq darro ah in ay ku laabtaan raggii ay hore u kala tageen, iyada oo mid ka mid ah dumarkaasi ay sheegtey in xitaa lagu waxyeelleeyey in ay ninkeeda ku laabato. Saraakiisha dowladda ayaa waxay sheegeen in ragga ay yeelan karaan ilaa labo xaas haddii taasi ay faa’iido u tahay carruurta. Rasul Uspanov oo ah xoghayaha guud ee wakaaladda dib u unkidda qoysaska iyo xidhiidhka lammaanayaasha ee Jejniya ayaa sheegay in ay jiraan carruur waalidkood kala tagay oo aabbahood la nool, iyada oo uu aabbaha xaas kale guursaday. “Markii guddigeenna uu shaqo bilaabay, waxaa u soo laabatay xaaskiisii koowaad, haddana wuxuu qabaa labo xaas, sababtoo ah sharciga Islaamka wuxuu dhigayaa in ninka uu guursan karo ilaa afar xaas” ayuu intaasi raaciyay Rasul. Balse haweeney lagu magacaabo Bariyat ayaa laanta BBC-da ee Ruushka u sheegtay in ninkeeda ay is fureen 12 sano ka hor, haddii guddiga ay ka dalbadaan in ay dib ugu laabtaan ay iska diidi doonto. Haweeneydan oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Grozny ayaa sheegtay in dadka marka koowaad ee ay is guursanayaan aysan aqoon isu lahayn, balse dad kale isu calmadeen, balse marka dambe ay soo baxdo in aysan wada noolaan karin, waxayna is weeydiisay sababta dad aan isku habbooneyn oo go’aankooda ku kala tagay la isugu qasbayo. Qof kale oo ku nool Grozny oo lagu magacaabo Zarema ayaa sheegtay in cadaadiska ugu badan uu ka imaanayo hoggaamiyaha Jejniya laftiisa. “Haddii aad diiddid, waxay ka dhigantahay in aad isaga si toos ah uga hor timaaddid, waxaana iska cad marka dhinac kasta lagaaga yimaado in aad aqbalayso” ayay tidhi. Markii lagu dhawaaqayay qorshahan cusub bishii July, hoggaamiyaha Jejniya Ramzan Kadyrov wuxuu sheegey in carruurta waalidkoodaay kala tageen ay u badan tahay in ay duufsadaan kooxaha argagixisada. Waxaa baaq u direy culumada, odayaasha iyo taliyeyaasha booliiska magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka in ay helaan xal ay dib isugu celiyaan dadka kala tagay. Hay’adda xuquuqul insaanka ayaa hoggaamiyaha Jejniya ku eedeeyey in uu ku xaq gudbey xuquuqda aadanaha, iyada oo la sheegey dad la jirdiley iyo kuwa la afduubay oo mucaarad ah. Ramzan waxa uu aad daacad ugu yahay madaxweynaha Ruushka Vladamir Puntin, wuxuuna cagta mariyey wax alaale wixii mucaarad ahaa ee Jejniya ku sugnaa oo ay xitaa ka midyihiin kooxo falaago ah oo hubeysan. Hase yeeshee qof ka mid ah guddiga dib u unkista qoyska oo magaciisu yahay Rustam Abazov ayaa ku adkeystey in aysan jirin dad si qasab ah la’isugu celin doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here