Addis Ababa:(Hubaal)-Waxa Maanta oo isniin ah lagu wadaa in Maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa lasoo taago Andargachew Tsige oo ah xogha-yaha ururka Ginbot 7, kaas oo sanadkii hore laga soo qabtay Waddanka Yemen. Maxbuuska ayaa maxkamada lala keeni doono 10 maxaabiis ah oo qaarkood lagu eedeyey in ay xubno ka yihiin ururka Ginbot 7 oo dawlada Itoobiya u aqoonsatay argagixiso. Waxaa la sheegay in 5 xubnood oo ka mid ah maxaabiista ay sheegeen in ay la kulmeen Tsige iyaga oo u arkayey hogaamiyahoodii. Garyaqaanka ka socda dawlada ayaa ku doodaya in kooxdani tababar cidameed ku soo qaateen Eritrea iyaga oo ku tala jiray in ay fuliyaan falal aragagixiso oo lagu khaarajinayo qaar ka tirsan madaxad dawlada Itoobiya. Dawlada Britain ayaa bishii hore walaac ka muujisay xaalada siyaasigan oo haysta dhalashada Ingiriiska. Xukuumada London ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay in muwaadinka dil lagu xukumo iyo in xabsi gooni ah kaligii lagu hayo wakhtigan xaadirka ah. Baarlamaanka Itoobiya ayaa u aqoonsaday argagixiso ururada kala ah Ginbot 7, OLF iyo ONLF oo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid hubaysan ka wada gobolo dalka Ethiopia ka mid ah.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Hoggaamiye Mucaaridka Ethiopia Ka tirsan Oo Maanta Lasoo Taagayo Maxakamad