Jubba (Hubaal)- Madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, ayaa shalay saxeexay heshiis nabadeed ay gadhwadeen ka ahayd beesha caalamku. Mr Kiir ayaa todobaadkii hore diiday in uu saxeexo heshiiskaas oo uu saxeexay ninka ay is hayaan ee hoggaamiya fallaagada dagaalka kula jirta dowladdiisa ee Riek Machar. Waxaa la filayaa in heshiiskan uu soo afjari karo dagaal dalkaasi ka socday muddo 20 bilood ah, kaasi oo ay ku barakaceen boqolaal kun oo qof. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu si deg deg ah dalkaasi ugu soo rogi doono xayiraad dhanka hubka ah haddii aanu madaxweyne Kiir saxiixin heshiiskaasi. Heshiisyadan la gaadhay ayaa ilaa iyo haatan waxbo ka dhignayn, hasayeeshee hoggaamiyeyaasha gobolka, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay dhammaantood waxa ay rajaynayaan in cadaadiska la saaray labada dhinac ee isku haya colaadda qadhaadh ay markan ku khasbi karto in ay soo afjaraan qalalaasaha, gaboodfallada iyo barakaca loo gaystay boqolaalka kun ee qof. Madaxweyne Salva Kiir ayaa diiday todobaadkii hore in uu saxiixo heshiiska, markaa oo kuxigeenkiisii hore ee marka dambe noqday hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar uu aqbalay qodobada heshiiska. Hasayeeshee haatan afhayeenka madaxweynaha waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu uu diyaar u yahay in uu heshiiskaasi ku saxiixo xaflad si deg deg ah loo soo qabanqaabiyay oo ka dhacaysa caasimadda South Sudan ee Juba, inkastoo ay jiraan arrimo uu ka caga jiidayo.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu si deg deg ah u qaadi doono tallaabo haddii aanu madaxweyne Kiir taageerin heshiiska. Qaraar uu soo gudbiyay Mareykanka ayaa ku baaqayo xayiraado leh bartilmaameed gooni ah iyo in dalkaasi lagu soo rogo cunaqabatayn dhanka hubka ah. Hasayeeshee waxaa laga yaabaa in xitaa awood qaybsi aysan soo afjarin qalalaasaha ka taagan South Sudan, iyada oo ay suuragal tahay in ciidamada ka go’ay Riek Machar ay sii wadaan dagaalka. Khubaro dhanka hubka ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hub lagu qiyaasay malaayiin doolar laga iibiyay South Sudan. Laba boqol oo kun oo rayid ah ayaa waxa ay ku jiraan xeryo ay Qaramada Midoobay leedahay, halka boqolaal kun oo qof oo kalana ay barakaceen kuna jiraan gaajo.