Hoggaamiyeyaasha Axsaabta Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamo Ay Guddida Doorashooyinku Gooni Gooni Ula Yeelatay

0
20

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in Diiwaangelintii Codbixiyayaasha oo u qorshaysnayd dhammaadka Bishan Jully ee aynku jirnaa Dib ugu dhici doonto Muranka Axsaabta qaranka iyo Guurtida u dhexeeya, isagoo sidoo kale jawaabo adag ka Bixiyey dhaliilo dhawaan xukuumadda kaga yimi dhinaca hoggaanka Mucaaridka kaga yimi.

komiishanka iyo asxaabtaGuddoomiye Muuse Biixi oo waraysi siiyey Hctv, ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiye kulan uu la qaatay Guddida doorashooyinka qaranka, kuwaas oo xisbiyada usoo bandhigay jaahwareerka ay ka qaadeen muddooyinka Guurtida iyo Axsaabta qaranka kala taagan yihiin in doorashada la qabto,“Guddidii waxay yidhaahdeen waatan Guurtidiina meel istaagtay Xisbiyadiina ay wakhti soo jeediyeenne labada kee la raacayaa, waxana aanu usheegnay in Guurtidu sharciga leedahay, annaguna aanu leenahay halla soo dhaweeyo oo aanu hawshaas ku jirno soo dhaweyntaasna aanay wali naga aqbalin, markaa inaanaan wali hawshaas go’aankeeda haynin, guurtidu halkii ay joogtayna aanu jecellahay in laga soo dhaqaaqo, laakiin ay sharciyaddu wali na hortaaganahay.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Guddidu u sheegeen inay Diiwaangelintii Codbixiyayaashu dib uga dhacayso muddadii ay u qorshaysnayd, waxana isagoo sababaha keenay ka Hadlaya uu yidhi,“Ta kale waxay Guddida doorashooyinku noo sheegeen in diiwaangelintii Codbixiyayaasha oo la doonayey inay 21-ka bishan dhacdaa ay dib udhacayso, sababtoo ah qalabka ay keenayaan ayey sheegeen in loo baahan yahay in lagu saleeyo sanadka la bilaabayaa ka uu noqonayo, waayo haddii la yidhaahdo 2016-ka dadkaa qaandhaadhi doono oo u baahan in hadda lasii diiwaangeliyo, iyagoo metelan 15-jir ah, haddii uu 2017-ka la qabanayana dadkaa qaangaadhi doono u baahan in lasii diiwaangeliyo iyadoo 14-ku u baahan yahay in la diiwaangeliyo, maadaama uu sanadkaas 2017-ka Noqonayo 15-jir.” Dhinaca kale Jamaal Cali Xuseen Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID ayaa isaguna ka hadlay dhinaciisa, waxaana uu  yidhi  “Dadku waa bani aadam oo yool bay leeyihiin, haddii waqtigii ay doorashadu dhacaysba aynaan garanayn  oo weli muran uu ka jiro, qoladan (Komishanka) diiwaangelintu khalkhal bay ku abuuraysaa oo hab dhaqameedkoodii shaqo ayay faro gelinayaa” sidaa ayuu yidhi Musharaxa UCID waxaanu intaa ku daray “Gudida doorashooyinku xilli bay inoo sheegeen ay ku qaban karayaan doorashooyinka, waxaana dhacay wax aan Somaliland weligeed hore uga dhicin, shan doorasho oo dalkani soo maray mid walba guddida doorashooyinku xilligii ay sheegeen inay ku qaban karayaan ayaa lagu dhaqmay oo ay guurtiduna odhan jirtay xilligaas ha lagu dhaqmo, laakiin waa markii u horeysay taariikhda ee xilligii ay Komishanku yidhaahdeen xilligaas ha la qabto ay golaha guurtidu  deedifeeyeen  sidii ay yihiin guddidii doorashooyinka” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Dhinaca kalena  Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay in shaqadii Komishanka ay cabaqad ku noqotay wakhtiga doorashada qabsoomayso aan ilaa hadda la iclaamin.  Waxana  hadaladiisii ka mid ahaa “Dhibta haysata Komishanka doorashada iyo qaranka Somaliland ba waxa weeye iyadoo aan ilaa maanta Xukumaddu fulin oo aanay hirgalin heshiiskii xisbiyadu gaadheen. arrinta dhibta ku haysa Komishanku waxa weeyi dad inta wax loo diray wakhti cayimanna aan la siin oo la leeyahay waxna qabta dibna yaanay u dhicin, waxna ha dhammaadaan,” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI waxa uu intaas ku daray “Wixii lagu heshiiyay ee Komishanka qoraal loogu gudbin lahaa, oo ay si rasmi ah ugu shaqayn lahaayeen oo aanu Madaxweynuhu ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadini waxay keenaysaa inay dib u riixmaan arrimaha diwaangalintu, taasina waxay dhib ku tahay Komishanka, Dadka Somaliland iyo cid kasta oo dimuqraadiyadda jecel,” ayuu yidhi Mr. Uurcadde.
Gudgude news/Hargeysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here