Kapul:(Hubaal)-Dowladda Afhganistan ayaa shaaca ka qaadday inuu geeriyooday Hogaamiyihii Ururka Taliban Mullah Cumar, kaasoo ahaa nin ay adkeyd in la arko. Saraakiisha Sirdoonka Afghanistan ayaa sheegay in Mullah Cumar laga yaabo inuu geeriyooday laba illaa saddex sano ka hor, balse lama soo bandhigin faah faahin rasmi ah. Ururka Taliban ayaan wali ka hadlin wararka sheegaya geerida Mullah Cumar ay shaacisay dowladda Afhganistan, waxaana Afhayeenka Taliban uu sheegay inay war saxaafadeed ka soo saari doonaan arrintan. Dhowr jeer oo hore ayaa fariimo qoraal ah oo ka yimid Mullah Cumar la sii daayay, waxaa ugu dambeeyay fariin bishan badhtamaheeda soo baxday oo uu kaga hadlayay heshiis dhex mara Taliban iyo dowladda Afghanistan. Laakiin waxaa shaki la gelinayay dhab ahaanshaha fariimahaas oo aan aheyn muuqaal iyo maqal midna. Mullah Cumar ayaa soo caan baxay wixii ka dambeeyay kacdoonkii lagula jiray Midowgii Soviet, isagoo ka guuleystay kooxo ka jiray dalkaas oo uu ugu dambeyn ku noqday Hogaamiyihii dalkaas. Hogaamiyahan ayaa waxaa uu markii dambe isbaheysi la noqday Ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyaha uu ka ahaa Osama Bin Laden, inkastoo duulaankii Mareykanka ku qaaday Afghanistan kadib weerarii 9/11 xukunka lagaga tuuray.. Mullah Cumar ayaa waxaa madaxiisa saarnaa lacag dhan 10-milyan cidii keenta macluumaad sahleysa in la soo qabto ama la dilo, sidoo kale waxaa adkeyd in la arko, sawir si rasmi wajigiisa loo arki karo lagama heyn, marka laga reebo muuqaal yar oo la qaaday sanadkii 1996 oo waxoogaa wajigiisa tilmaam yar ka bixinaya inuu isaga yahay. Haddaba, waxa aynu si kooban oo ururis ah uga hadli doona taariikhda dhabta ah ee hoggaamiyaha Taaliban, gaar ahaan noloshiisii sirta ahayd ee muddada 20 sanno ku dhaw lagu baadi goobaayey lacagta aadka u badan (10 milyan oo doollar) geeri iyo nolol iyo sida uu u hoggaamin jiray Taalibaan.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Hoggaamiyihii Ururka Daalibaan Oo La Sheegay Inuu Sanado Kahor Geeriyooday