Hoggaanka Guddida Cusub ee Doorashooyinka Oo Maanta Lagu Kala Baxay iyo Xubnihii Mucaaridku Soo Magacaabeen Oo Cidla La Diray

0
35

Hargeysa (Hubaal)-Guddida Cusub ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u dooratay Hoggaanka, waxana ay samaysteen Guddoomiye, Ku-xigeen iyo afhayeenka muddada ay xilka hayn doonaan.

Gudoomiyaha Guddida waxaa loo doortay Cabdiqaadir Iimaan Warsame, halka Gudoomiye xigeen loo doortay Maxamuud Xasan Wacays , iyadoo afhayeenka guddidana loo doortay Siciid Cali Muuse, waxana aan wax xil ah loo dhiibin xubnihii Labada ahaa ee Mucaaridku soo doorteen.

Munaasibadda ayaa sidoo kale waxa barbar socotoay Xil-wareejinta Guddida, iyadoo Guddidii hore maanta wareejisay Masuuliyaddii Komishanka oo ay muddo badan soo hayeen.

Mucaaridka ayaa saluug ka muujiyey Hannaanka Doorashadu u dhacday, waxana ay muujiyeen in dhammaanba Xubnihii Hoggaanka ahaa ay wada qaateen Xubnihii Madaxtooyada iyo Guurtidu soo xuleen, balse ay labada xubnood ay markii dambe sheegeen inay ogolaadeen Habka doorashadu u dhacday.

 gudida doorashooyinka

Guddida ayaa Shalay lagu dhaariyay Madaxweynaha hortiisa, waxaana la filayaa inay ilaa bari u baxaan Tababar ku saabsan hab maamulka Doorashooyinka oo dalka Kenya loogu qabanayo, iyagoo intaasi dibna hawlahooda diyaarinta doorashada sanadka dambe guda gali doona.

Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here