Hoggaanka Hawlgelinta Ee Asluubta Oo Jawaab Ka Bixyey War Lagaga Been Sheegay Ciidankiisa

0
37

Guddaha Ka Akhri Nuxurka Jawaabta Gaashaanle Sare Cabdi Xasan Caduur

Hoggaanka ciidamada Asluubta Somaliland Gaashaanle sare Cabdi Xasan Caduur ayaa ka hadlay war si khaldan ugu sooo baxay mid ka mid ah wargeysyadda madaxabannaan ee ka soo baxa dalka. Gaashaanle sare Cabdi Xasan oo daba socday war ku soo baxay caddadkii wargeyska Saxan-saxo ee Salaasadii Shalay, kaas oo ku saabsanaa xal laga gaadhay maxbuus ku jirey mid ka mid ah saldhiyada boliiska ee Hargeysa,kaas oo ku baxay gacanta ciidamada booliska,ka dib markii ay xabadi kaga dhacday askarigii ilaalinayay.

Beesha uu ka soo jeedo marxuumka maxbuuska ahaa iyo xukuumadda ayaa xal ka gaadhay dhibaatadaas, waxaana madal qado-sharaf oo Isniintii Doraad lagu qabtay huteelka Maansoor, ay beesha marxuumku ugaga mahadnaqday xukuumadda sidii ay uga hawl gashay dhacdadaas iyo samir-siinta Qoyska uu ka baxay marxuumkaasi.

Qaabka warbixintu u qornayd iyo jawaabta Gaashaanle sare Cabdi xasan

Hoggaanka hawlgalinta ee ciidamada asluubta Somaliland Gaashaanle Sare Cabdi xasan Caduur oo xalay wargeyska Hubaal ku soo booqday xaruntiisa ayaa wargeyska saxan-saxo ku xidhiidhiyey Qalad ku jiray qaabka uu warbixintiisa u qoray, taas oo uu sheegay in kiis aanay ku shuqul lahayn ciidanka asluubta oo iyagu masuul ka ah jeelasha dalka lagu soo leexiyey, lagana dhigay in maxbuuskaasi uu ku dhintay jeelka dhexdiisa “waxaan doonayaa inaan ka jawaabo war kusoo baxay wargeyska Saxan-saxo ee tirsigiisu ahaa Vol:8, 2594 soona baxay salaasadii Maanta (Shalay), waxa uu qoray war uu sheegay in laga heshiiyay dil loo geystay maxbuus ku dhintay jeelka, adeer annaga oo ah ciidanka asluubta ayaa masuul ka ah jeelasha dalka oo dhan, mana jiro maxbuus jeelka ku jiray oo dhintay, dee haddii uu jiray maxbuus saldhiga boliiska ku jiray, ma aha in la isku qaldo jeelka iyo saldhiga, annaga iyo boolisku waxaanu nahay laba ciidan oo siman, wada shaqayn fiicanna waanu leenahay, waanuse kala madax bannaanahay, shaqadayaduna waa ay kala duwan tahay, maaha in la isku qaldo asluub iyo boolis, ama jeel iyo saldhig”. Sidaa ayuu yidhi hoggaanku, waxaana uu intaas ku daray in saxaafaddu ay u meel daydo warka ay qorayso, kalana garato astaamaha ciidanka “wargeyskani (saxan-saxo) jaar buu la yahay taliska guud ee ciidamada Asluubta, waana nasiib darro in isaga oo deris la ah uu haddana khaldo magacooga, kiis aanay lahayna uu u soo jiido ciidanka asluubta. Annagu waxaanu uga fadhinaa wargeyskaasi inuu raaligelin ka bixiyo khaladkaas, iskana hubiyo warka uu qorayo.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhayhoggaanka ciidanka asluubta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here