Hargeysa (Hubaal)- Hoggaanka xisbiga talladda Somaliland ee KULMIYE, ayaa xalay ugu baaqay murrashaxiinta danaynaysa inay u tartamaan jagooyinka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka xisbiga dhexdiisa ay ku yimaadaan xarunta dhexe muddo saddex maalmood gudahood ah si loogu sheego macluumaad la xidhiidha shuruudaha murrashaxnimada. Sidaasna waxa lagu sheegay wargelin uu soo saaray xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo summadiisu ahayd REF:XK/XGX/0042160/2015 kaasi oo xalay oo ku taariikhaysnayd 03/11/2015 uu xoghayaha guud Ku Socodsiiyey Dhammaanba Murrashaxiinta Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxaa uu u dhignaa sidan:
“Ujeeddo: Wargelin Muhiim ah
Dhammaan murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo u muddaysan maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, waxa lagu wargelinayaa inay ku yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda JSL Hargeysa muddo saddex maalmood ah gudahood oo ka bilaabmaya 04/11/2015 (Arbaca, Khamiis iyo Sabti), si loogu sheego shuruudaha u yaal murrashaxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda. Haddaba, waxa mar labaad lagu adkaynayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay maalmahaas iska soo xaadiriyaan xarunta KULMIYE, iyadoo ciddii muddadaas gudaheeda ku imanwayda loo aqoonsanayo in aanay danaynayn tartanka murrashaxnimada xisbiga gudihiisa ee shirka Golaha Dhexe.
ALLA MAHAD LEH.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE” Xasan Siciid Yuusuf” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka KULMIYE