Hoggaanka SONYO Oo Waqtigiisu Dhammaanayo Iyo Loollan Loogu Jiro Cidda Bedellaysa Guddoomiyaha

0
26

Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax Oo Shaaciyey In Uu U Sharraxan Yahay Guddoomiyaha Dallada SONYO  

aqoonyahan-cabdicasiis-siciid-saalax

 Hargeysa (Hubaal)- Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax oo  Kamid ah dhalinyarada ururrada bulshada rayidka ah ee reer Somaliland gaar ahaanna kuwa xubnaha ka ah dallada dhalinyarada heer qaran ee SONYO ayaa shaaciyey in uu u tartamayo xilka jagada guddoomiyaha dalladaas oo labadii sannaba ay ergooyinka xubnaha ka ahi soo doortaan. Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax oo kamid ah xubnaha ururka dhalinyarada ee YUVENCO ee ka dhisan gobolka Saaxil ayaa sheegay in uu isu taagayo tartanka guddoomiyaha Dallada SONYO kaasi oo lagu dooranayo shirweynahooda labadii sannaba mar la qabto oo u qorsheysan in 27ka bishan December lagu qabto Hargeysa.

Cabdicasiis Oo   saxaafada Kula hadlay magaalada Hargeysa Waxa uu sheegay in uu rabo sii amba qaadka hayaankii dheeraa ee ay Soo wadeen hogaankii isaga dambeeyay Dallada Sonyo, kuwaas oo meel Fiican Soo Gaadhsiiyay. Maantana laga sii amba qaadi karo. “Maanta waxan raba in aan Dhalinyarada Iyo  shacabka Somaliland u sheego in aan u taaganahay Xilka Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo waxanan balan qaadaya in aan halkii ka Sii wadi Doono dedaalkii dheeraa ee ay soo wadeen Madaxdii Kala duwanayd ee soo martay Dallada Sonyo. OO Soo gaadhsiiyay Meel Fiican, ana waxan gaadhsiin doonaa halka la beegsanaayo in dhalinyaradu gaadho isla markaana waxan diyaarinay qorshe dhamystiran iyo hanaan lagu horumarinaayo Dhalinyarada ”  ayuu yidhi Cabdicasiis Siciid Saalax

Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa muddo badan ku Soo dhex jiray ururada Dhalinyarada isago Madax ka Soo noqday ururka YOVENCO Oo ka Dhisan Gobolka Saaxil Iyo ururro kale Oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada. Shirweynaha dallada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa la filaya in uu Hargeysa ka Furmo 27 December iyada Oo ergooyinkuna ka iman doonaan Gobolada Dalka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here