“…Xukuumadaha Afrikaanku Marbay Talada Seegaan, Waa Marka Ay Xadhig iyo Cago-jugleyn Ula Soo Jeestaan Ummadda….”
“…Dhalinyarada Maanta Xorriyadooda Dib U Helay Waxaad Muujiseen Dedaal ee Halkaa Ka Sii Wada….”
– Md. Cabdinaasir Yuusuf Bulxan- Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada ee Ururka Da’yarta Habar-Magaado
Hargeysa ( ) – Ururka Dhalinyarada Beelaha Habar-magaado ayaa Hambalyeeyey Hoggaanka Ururka Jiidali oo Maanta xabsiga laga sii daayay kadib markii xukuumadda Axmed Siilaanyo taxaabtay dhawr toddobaad horteed.
Ururka Habar magaado oo ay dhawaan aasaaseen dhalinyaro iyo aqoon yahan reer Somaliland ah isla markaana ay hadda meel fiican marayso munaasibad loogu wanqalayo Aasaskiisa ayaa Hambalyo iyo dhiirigelin u diray guddoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka iyo Afhayeenka Ururka Jiidali Cabdiraxmaan Xasan Aadan, Maxamed Cabdikariim Cumar iyo Faysal Cumar Madar (Qumuj) Oo uu weheliyo Aqoonyahan Cabdi Beddel Cumar, kuwaas oo dhawaan xukuumaddu u xidh xidhay ra’yigooda siyaasiga ah isla markaana maxakamad la’aan xabsiga ugu jiray dhawrkii toddobad ee u dembeeyey.
Sida lagu sheegay War Murtiyeed uu Caawa soo saaray Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada ee Ururka Dhalinyarada ee Habar-magaado Md. Cabdinaasir Yuusuf Bulxan, waxa uu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay faraha kala baxdo cabudhinta iyo cago juglaynta isa soo taraysa ee ay ku hayso bulshada, isaga oo dhalinayarada Jiidalina ugu baaqay inay dedaalkooda halkaa ka sii wadaan.