“Hoo-Baaruud, Subxaanaka Yaa Cadiim, Daahir Yaa Shamis” Halku Dhig-Yada Caanka Ka Noqday Sannadkan Bulshada Soomaaliyeed Dhex-Deeda- By: Wariye Cabdi Casiis Bashiir

0
42

Muddooyinkii uu danbeeyey waxa faggarayaasha la iskugu yimmaaddo taalay dood ama ereyo miisaankooddu culus yahay, kuwaaso intaa badan soo shaac-baxay labadii sanno ee uu danbeeyey. Halku dhigani waxa uu intaa badan kasoo fulaa mid ka mid ah Abwaan Soomaaliyeed kaaso intaa badan ka hadla Telefishanada af-ka soomaaliga ku baxaa. Iyaddo abwaanku ku leeyahay Barnaamij khaasa, kaaso magaaciisa la yidhaahdo isir-raaca af-ka soomaaliga, waxana intaa badan uu abwaanku diiradda ku saarra sidii uu usoo noolaan lahaa dhaqankii iyo hadafkii Soomaali-nimo ee ay bulshadani lahaan jirtay. Waxana uu yahay mid ay weheliso canaan iyo wax uu sheegmo ku taxaaluqda dhaqanka iyo sidaa ay qiimaha uu lahayeen suugaan-toodu.

 Cabdi-Good

Abwaan Cabdi Good Abees oo ah Ninka Barnaamijka iska leh kaasoo muddo gaaban caanka noqday Bulshada ku hadasha af-ka soomaliga, isagoo uu markii hore uu Barnaamijkiisa ahaa mid ka warama taariikhda isir-raaca soomalida, isla markana uu kaga sheekeyn jiray Boqortooyooyin ay lahaayeen Dadka soomaaliyeed iyo qababkii ay isagu xukummi jireen wakhtiyaddi hore iyo waliba xadaaradoodu halka ay gaadhsiisneyd. Cabdi Good Abees waxa uu muddo kaddib uu wax ka bedel ku sammeeyey nidaamkii baahineed ee Barnaamijkiisa waxanu kusoo Kordhiyeey inuu fallan-qeeyo Heesaha danbe kuwaaso uu faaqidaadooda Diiradda ku saaraayo qababka kala duwanaansho ee ku yimmi fanka iyo fanaaniinta danbe iyo kuwii hore oo intaa badan farqi weyni uu dhexeeyo mararka ay Heesayaan. Iyado ay fanaaniintan danbe masraxa keenaan baashaal wax u dhimmaaya Diinta iyo dhaqan-kaba, tusaale ahaan haddi fanaanka Heesta qaadayaa uu yahay Nin waxa uu madasha soo taaga inaan Soomaaliyeed taaso intaa badan ay cawradeedu muuqato, waxana mararka qaarka yaabisaa abwaanka iyo cid kastaa oo ku taageerta wax ka qabashada dhaqanka suuban ay ka yaaban, marka fanaan iyo gabadh soomaaliyeed oo sariir dusheed cawradooda isku dug-duugaaya, taaso aan ahayn milge ay lahayd Bulshada soomaaliyeed

Waxa kale, oo uu yahay hadafka Abwaan Good in la asturro cawrada Haweenka Soomaaliyeed ee intaa badan fanaaniinta yar-yari sidaa gaalada la jaasan iyago uga dan leh inay sammeeyan action-no aan hore lo arag ama soo jiita indhaha dadka daawanaaya, waxa iyana uu canaan ku cashariyaa Abwaanku, Abwaanada danbe ee soo sammeeya midhaha bilaa miisaanka ah ee aan wax xig-mad ahii ku jirin. Isla markana ah kuwo bilaa murtiya, waxa canaanta la wadaagga abwaanada inamada camerada ka duubba fanaaniinta Yar-yar baashaalka qaawanida ah dan mooday.

Dhan kale, waxa mr Good fallan-qeyntiisa uu kusoo bandhiga gabdho fanaaniin ah kuwaaso intaa ay rag meel cidla ah la taggaan kolba iyana meel seexanaaya inta ay ku dheggaan raga. Waxana uu intaa badan Abwaanku shaaciyaa qaabka ugu wagaan-san ee wax lo hal-abuurro, oo ah in lagu daydo Abwaanada waaweyn ee dalku leeyahay, waxa kale oo usoo qaataa tusaale Abwaano caanka ah Giyiga Soomaalida sidaa Abwaan Hadraawi, Xasan Genay, Cabdi Qays iyo waliba kuwo kale oo badan.

Si kastaba ha ahaatee mararka uu Cabdi Good ku jiro baahinta Telefishanada waxa uu hadal heyn uu leeyahay ereyo marka uu yaababa kasoo bur-qada afkiisa waxanay intaa badan uu kala isticmaala mar-ba xaalad marka ay timmaaddo, Marka uu sheegaayo fanaan Nin ah oo inaan badka keenay waxa uu isticmaalaa erey tilmaamayo in uu xad-gudbay Ninkaasi,waxana uu yidhaahdaa.” Hoo-baaruud taas loomaababa Cumaamadin” waxa kale oo ka mid ah ereyada kale ee intaa badan bulshada ku taqaanno Mr Good “subxanaka yaa Cadiim” waxana intaa “weheliyaa Daahir Yaa Shamis” oo isna uu isticmaalo Marka uu baaq diraayo.

Isku soo wadaa duubo waxa uu abwaankani Noq-day mid ay hadal-hayntiisu cirka isku shareertay muddooyinkii uu danbeeyey, sababtuna waxa ay tahay ayaa la odhan karaa waa mid xumaan diid-nimo ka muuqataa.

W/Q: Cabdi Casiis Bashiir Nuur.

Tel: 4144434.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here