Hooyo Danyar ah Oo Caddaalad-darro Ka Sheegatay Haya’daha Garsoorka Dalka

0
36

hooyo-danyar-ah

Hargeysa:(Hubaal)Hooyo Khadiija  Cilmi Aadan oo kamid ah dadka danyarta ah eek u dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujisay bahda caddaaladda dalka, waxana ay farriin u ditay madaxweynaha Somaliland oo ay ugu baaqday inuu kiiskeeda hoos u eego.

Hooyo Khadiija oo u warrantay wargeyska Hubaal, ayaa sheegtay in dhul ay ku leedahay koonfurta magaalada Hargeysa sifo sharciga baalmarsan lagaga qaaday, isla-markaana loo adeegsaday xoog iyo dhaqaale oo aanay awood u lahayn inay ku qabsato garyaqaanno ka difaacadda caddaalad-darrada lagula kacay.

Khadiija waxa ay sheegtay in dhulka laga qaaday ay lahayd ilaa sanadkii 1983-kii uu siiyey nin ay magaciisa ku sheegtay Gaadh-haye oo wakhtigaas masuul ahaa, Guryo-samo-na haysan jirey.

Maamadan oo danyar ahi waxa ay xustay in shakhsiyaad dhaqaale haysta oo deggen deegaanka Awaare oo katirsan dawl-deegaanka Soomaalida Ethiopia, ay dhulkeedaas ka qaadeen, isla-markaana ay hay’adaha caddaaladdu waxba uga qaban waayeen kiiskeeda.

Waxa ay sidoo kale cabasho ka muujisay dad ay sheegtay inay qaraabo yihiin ay si hoose u qaaday xayiraad ay dhulkaas lagu haysto saartay, waxana ay ku baaqday in dadkaas laga qabto oo sharciga la mariyo.

Madaxweynaha iyo goleyaasha kale ee qaranka ayey ugu baaqday inay kiiskeeda hoos u eegaan, isla-markaana ay ka garnaqaan caddaalad-darrada ay tirsanayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here