Hargeysa:(Hubaal)-Hooyo Khadiija Cilmi Aadan oo ah muwaadinad reer Somaliland ah oo ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn uga cabatay caddaalad-darro kaga timi bahda caddaaladda, waxana ay sheegtay in si xoog ah lagaga qaaday dhul ay is u lahayd oo ay sanado badan deggenayd.
Hooyo Khadiija oo wargeyska Hubaal u warrantay, ayaa ka sheekaysay dhibaato ay ku hayaan shakhsiyaad awood siyaasadeed iyo mid lacageedba leh, kuwaas sida ay sheegtay dhulkii ay lahayd loo xukumay, waxana ay tidhi,“dhulkaygii aan aallay ilaa 1993-kii baa la iga qaaday, waxana aan ahay hooyo muwaadinad ah oo aan looyar haysan oo aan awood lahayn, meel kiis aan leeyahay lagu qaadoyan la iigama yeeshin, gurigaygiina aniga oo maqan, ayaa carruurtaydii ciidan la geliyey oo waraaqo been abuur ah la iga sameeyey oo lagula wareegay.”
Waxa ay sheegtay in carruurteeda iyo saygeedaba caddaalad-darro lagu xidhay, isla-markaana ay shakhsiyaad awood maaliyadeed iyo mid siyaasadeedba adeegsanayaa dhulkaas ka qaadeen.
Hooyo Khadiija waxa ay xustay in dadka dhulkeeda dulmiga ku haystaa ay xidhiidh dhaw la leeyihiin madaxtooyada Somaliland, kuwaas ay ku tilmaamtay qaar dulmiga danyarta dheefsada oo aan naxariista iyo caddaaladda midna aqoonin.
Caddawad loo qaaday darteed, ayey sheegtay in looga gubay meherado ay ku lahayd degmada Maxamuud-haybe, isla-markaana hanti badani halkaas kaga baaba’day oo uu khasaare culusi soo gaadhay.
Ninka dhulkaas loo tirinayo inuu lug ku leeyahay ayey ku sheegtay inuu ku-xigeen ka yahay deegaanka Awaare ee dawlad-deegaanka Ethiopia oo uu awood dawladeed adeegsanayo.
Maamo Khadiija waxa ay bahda caddaaladda ka codsatay inay si dhaw u eegaan kiiskeeda, isla-markaana il caddaaladeed ku eegaan, maadaama ay tuhun weyn ka qabto in eex ballaadhan lagaga qaaday dhul ay iskeed u lahayd oo aanay cid kale dulmi ka gelin.
Dhulka ay hooyadani sheeganayso in laga qaaday, ayaa ku yaalla degmada M/haybe ee koonfurta magaalada Hargeysa, waxana uu u dhaw yahay Huteelka Star ee aagga calaamadaha.
DAAWO