Hooyo Ma Halkaasad Ii Quudhay!!! Qallinkii Naasir Maxamed Cabdilaahi

0
33

naasir maxamedDadku kala fariidsan oo kala garasho badan, Axmed waa wiil 10 jir ah wuxuu dhigtaa dugisaga hoose dhexe wuxuu la noolaa qoyskooda, Aabbihi iyo Hooyadii. Waxay ahayeen dad aan cibaadada ku wanagsanayn Axmed Salaad walba wuxuu tukan jiray wakhtigeeda marka laga reebo salaada subax.

In badan waxa uu isku dayay inuu salaada subaxna wakhtigeeda tukado balse masaajidka oo ka fogaa iyo isagoo baqasho ku jirto awgeed umay suuro gelin.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo u kacay saladii subax wuxuu daaqada qolkiisa ka maqlay sanqadh mise waa oday ay jaar yihiin oo salaada ku sii socda, Degdeg buu Albaabka u furay wuxuu joojiyay odaygii, wuxuuna ka codsaday inuu Masaajidka u raaco.

Axmed Malin walba markay gaadho wakhtigii salaada subax wuxuu dhagaysan jiray sanqadha odayga waanu sii raaci jiray. Muddo wuxuu sii raacaba Maalin maalmaha ka mid ah Isagoo dugsiga ka soo rawaxay ayaa arkay Guri jaarkooda ah oo lagu buuqsan yahay mise hadduu waraystay waxa dhacayba waa loo sheegay in odaygii ay saaxiibka ahaayeen ee salaada u sii kaxayn jiray uu geeriyooday, Axmed aad buu u murugooday Hooyadii markay Oohintiisii u taagwayday waxay ugu yeedhay Aabbihi oon isaguba salaada ku wanagsanayn markii la waydiiyay sababta uu sidan oo dhan ugu ooyayo wuxuu Aabbihii ugu Jawaabay; Aabbo yaan salaada u raaci doonaa.

Aabbihii iyo Hooyaadaii arrintani way argagax gelisay waxanay bilaabeen inay saalada tukadaan sidii bay jidka toosan ugu dhaceen waxanay noqdeen qoys salaada wada tukada dhammantooda, arrintanina waxay ku noqotay Mucjiso iyo wiilkaa yar oo sabab u noqday inuu soo hannuuniyo qoyskoodii oo dhan.

Muddo ka dib waxa guriga ku soo biiray Oday Axmed Yare awoow u ah oo miyi ka yimi. Axmed yare Wuxuu ku war helay Hooyadii oo hagaajinaysa makhsin guriga ka baxsan oo dayrka dibadiisa ku yaala, Wuxuu su’aal waydiiyay Hooyadii, Hooyo yaad qolkan u hagaajinaysaa? Waxay ugu jawaabtay awoowgaa oo miyi ka imanaya, Haddana wuxuu waydiiyay Su’aal kale Hooyo Sawka gurigeenu wada banaan Maxaad halkan u seexinaysaa” Waxay ugu jawaabtay Hooyo Dadku markay waawaynaadan laydhaa u fiican, Axmed yare wuu ku qancay Jawaabta hooyadii.

Muddo ka dib Axmed Hooyadii oo eegaysa sida uu wax u dhigto iyo Casharadii loo soo dhigay baa waxay ku aragtay buug buugtiisa ka mid ah Aqal wayn oo uu ku sawiray aad bay u eegtay waxay waydiisay bal sida aqalkan uu ugu talo galay, Wuxuu ku yidhi Hooyo Aqalkani waa kan mustaqbalka aan degi lahaa, waxay wadyiisay Halka uu iyada ugu talo galay.

Wuxuu ku yidhi Hooyo Adiga qal fiican baan kaaga dhisay dayrka, Hooyadii oo aad uga xanaqaday baa ku tidhi war manigoo ku kuriyay oo ku dhalay oo ku jecel baad halkaa I seexinaysaa show cadaw aan korsanayo ayaad tahay?

Wuxuu yidhi Hooyo Aabbo ma Cadaw awoowo korsanayay baa muxuu halkaa u seexiyay, adiguna sawidigii igu lahaa Dadka waaweyn dibada u wanagsan. Hooyadii oo Su’aalahan jawaab u la’a ayuu u sii raaciyay oo hooyo awoow maanu qof wanagsan ahayn.

Hooyadan waxay ku noqdeen Su’aalahan wiilkeedu waydiinayay hal-xidhaale adag oo aanay jawaab u hayn balse way ka fa’iidaystay oo way ku cimro qadatay.

Qallinkii Naasir Maxamed Cabdilaahi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here