Boorama (Hubaal) – Qaarka mid ah dadweynaha ku dhaqan Xaafaddaha Boorame gaar ahaan Xaafadda JARISKA XOOR, ayaa sheegay hooyooyinkii xaafaddaasi ku dhaqnaa waxay cabasho xoogan ka muujiyeen Biyo la’aan baahsan oo soo food saartay qoysaskoodii iyaga oo eedeymo u jeediyey Shirkadda Biyaha ee SHABA taasi oo xaafaddaha magaaladda Boorame biyaha ka iibisa oo ay ku eedeeyeen inay biyihii ka goosatay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Qoysaskan ku dhaqan xaafado ku yaalal magaaladda Boorame, ayaa iyaga oo shalay la hadlaayey qaarka mid ah warbaahinta Boorame, waxay hooyooyinkii halkaasi ka hadlay is hayn waayeen oohin iyo cabasho ka dib markii ay sheegeen inay qoysaskoodu haraad la il daran yihiin iyada oo lagu jiro wakhti Soon oo Bishii barakeysneyd ee Ramadaanta la gudo galay, waxay eedeymo u jeediyeen Shirkadda Biyaha ee SHABA, taasi oo ay sheegeen inay iyadu biyihii ay xaafaddaha u sii deyn jirtay ka jartay, waxay baaq u direen maamulka degmadda Boorama iyo xukuumadda dhexe inay la soo gaadho waxay ubadkooda biyo la’aantu hayso Bisha ramadaan ay dabka ugu shidaan in la la soo gaadho. Ugu horeyn Hooyo ka mid ah hooyooyinkii Caruurtoodu inay biyo la’aan u ildaran yihiin oo aanay koombo biyo ah haysan ka cabaneysay oo halkaasi ka hadlaysay waxay tidhi “Shirkadda Shaaba haraad iyo biyo la’aan ayey nagu dishay oo Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee maanta kowda ah, dad ayaa jira aan afurin dad ayaa jira aan suxuuran xalayto biyo la’aan awadeed, waar hadaad idinku biyo taangiyada idiinka buuxaan maxaad ugu talo gasheen dadka masaakiinta ah, waxay soo qorta lacag bilaasha oo kobla seked ayey biyaha u siidaynayaan si aanu lacagtoodu u yaraanin, waxaan leeyahay waar hadii aad Ilaahay iyo nabigiisa garaneysiin dadkaasi masaakiinta ah ee Haraadan biyaha u sii daaya” Hooyo kale oo ka mid ah waalidiinta waayeelka ah ee magaaladda Boorama ee gobolka Awdal ku dhaqan oo iyaduna halkaasi Cabasho iyo Oohin biyo la’aantu ku ka liftay ka dib markii ay ubadkeedii mudo labaatan cisho ka badan biyo la’aani soo foodsaartay halkaasi kaga hadlaysa waxaanay tidhi “ Hadii aanu nahay dadweynaha xaafadda Jar Iska Xoor ee magaaladda Boorama Biyo la’aan ayaan ka cabaneynaa waxaana weeyaan nafaqo looma dhinto ee sababtuna waxa weeyaan noloshu waxa weeye biyaha oo cadceeda ina haysa waad arkeysaan oo korkii iyo cunihii ayaanu ka gubanay xalay Salaadiin gidaaradda ayaanu ku gabagabeysanay maantana waanu soomanahay , awal hore xaafad xaafad ayaanu biyaha u yar doonaneynay balse maanta waaba laga siman yahay biyo la’aanta jirta , anagu 20 sanno biyo la.aan ayaanu nahay hore anigu dacwadayada waanu u keenay oo maalinba xaafad hadii loo dhaamiyo xata caadi ayey aheyd tiina ma hayno ee waxa weeye naftu biyo ayey u baxdaa, waxaanu idinka codsaneynaa waar xata saacada in aad haaf haafna ha noqote wuxuun noo soo deysaan lacagtu hay dambeeyaane oo Biyo Noo Keentaan , waxaad doontaanba qaata oo bal wax aanu halkan kaga dhaqaaqno uun noo soo daaya”. Hooyo kale oo iyaduna baaq dheer oo biyo la’aan guregeeda iyo xaafadda ay berbera ka degan tahay u dirtay cid kasta oo ay arintaasi qurseyso ama wax ka qaban karta waxa ay tidhi “Maanta halkan bacadka ah waxa noo soo saaray Haraad iyo dhibaato kuleyl ah oo qayrul caadi ah, marka maamulka iyo dawladda haysa biyaha waxaanu ka codsaneynaa inay na waraabiyaan biyaha oo ay haraadka naga waraabiyaan ilaa sabtidii hore wax biyo ah maanaan arag ramadaana way noo soo gashay waxaan ka codsaneynaa inay na daneeyaan oo hoos noo eegaan oo dadkani waa dadkoodii ee soo eegaan”
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Hooyooyin reer Boorama Ah Oo Surmi La Ilmeeyey, Shirkadda Biyaha Maamushana Eedeeyey