Hargeysa:(Hubaal)-Muran iyo buuq badan, ayaa ka dhashay dhul la doonayey in laga dhagax dhigo maktabad qorshaheedu yahay in laga hirgeliyo magaalada Borama, kadib markii goobtii la doonayey in maktabadaas laga bineeyo uu sheegtay hormuudka Jaamacadda Camuud.
Sida ay sheegayaan xogaha nasoo gaadhayaa, waxa halkaas maalintii shalay tegay wafti uu hoggaaminyo wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryenta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed(cali-marreexaan), kuwaas oo ujeeddadoodu tahay inay soo dhagax dhigaan maktabad hore loo qorsheeyey in laga hirgeliyo magaalada Borama oo loo bixinayey Awdal Library, waxase markii loo holladay dhagax-dhigga maktabaddaas bilaabmay buuq iyo qaylo uu horboodayey guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, kaas oo isagu ku doodaya in dhulkaas hore loo siiyey jaamacadda uu masuulka ka yahay.
Maayarka magaalada Borama Md. Maxamed Xuseen Maydhane oo isagu masuul ka ahaa hawsha dhagax-dhigga, ayaa waftiga uu wasiir Cali-marreexaan hoggaaminayey geeyey goobta loo yaqaanno Hanuuniintii hore oo ku taalla badhtamaha magaalada Borama, balse prof. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa arrintaas ganafka ku dhuftay, waxana uu ku andacooday inay Jaamacadda Camuud goobtaas iska leedahay, isla-markaana uu madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ugu deeqay Jaamacadda.
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxa uu sheegay inaan dhulkaas sinaba maktabad looga dhisi Karin, maadaama ay iska leedahay Jaamacadda Camuud ee uu masuulka ka yahay, isaga oo intaas ku daray inay jaamacaddu halkaas ka hirgelin doonto dhismayaal muhiim u ah oo ay jaamacaddaas iyo adeegyada ay bixiso.
Mudankaas kadib waxa baaqday qorshihii ahaa in maktabadaas la dhagax dhigo, waxana shir aan wax nariijo ahi weli kasoo bixin galay maamulka Gobolka Awdal, Wasiir Cali-marreexaan, Suldaan Dhawal iyo weliba madax kale oo xukuumadda katirsan, balse wax dhagax dhig ahi kama hirgelin goobtii.
Warar hoose oo uu wargeyska Hubaaal ka helay kulankaas qarsoodiga ah ayaa sheegaya inuu hormoodka Jaamacadda Cammuud si adag u diiday inay jaamacaddiisu dhulkaas ka tanaasusho, haddii taas laga tegi waayona uu dhulkaas kaga tanaasuli doono ballan adag iyo qoraal heer madaxweyne Gaadhsiisan.
Muranka aan weli la daaweyn eek a taagan goobtii laga hirgelin lahaa maktabad ay yeelato magaalada Borama, ayaa marag u ah sida dhulkii danta guud uu gabaabsiga u noqday, waxana weli socda ololeyaal baaqiga yare e dhulkaas kasii hadhsanna looga iibinayo hantiilayaal koobaan, balse xukuumadda ayaa hore u sheegtay inay lacagta kasoo xeroota ku shubi doonta khasnadda qaranka.
Maxkatadda akhriska ee magaalada Borama, ayaa haatan dhisme kiro ku ah gasha, waxana murankaas kadib wasiir Cali-marreexaan oo warbaahinta la hadlay uu sheegay inuu hal sano oo kirada maktabadda ah bixin doono.