“Dhallinyaradayada iyo Dawladdu isma dilayaane Afmiishaarka Burco kasoo hadlaya waxaanu leenahay adeer Buuhoodle ka Hadal dhibaatada ka jirta….”Suld. Naasir Suld. Cabdi
Hargeysa (Hubaal)- Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo kamid ah Hormuudka Saldannada Beellaha Gabooye, ayaa Ka Hadlay Dhibaato ka Taagan Xaafadda Daammi ee Magaalada Hargeysa, taas oo salka ku haysa Mashaqo dhextaalla Beelaha Gabooye iyo Beel kale oo ay xaafaddaas wada Deggen yihiin. Suldaanka oo Khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Hubaal, ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal hore uga soo baxay Suldaan Daakir oo sheegayey in Shaqaaqada ka taagan Deegaanka Daammi u dhaxayso Beelaha Gabooye iyo Xukuumadda. Suldaan Naasir waxa uu sheegay in shaqaaqada Daami ka taagani aanay xukuumadda iyo Beelaha Gabooye iskaga soo horjeedin, isagoo Hadalka kasoo kasoo Yeeshay Suldaan Daakir-na ku tilmaamay mid uu ka damqaday oo aan Haboonayn, “waxa idamaqday Arrinta ka taagan Daami ee uu suldaan daahir ka dhigay Beeshayadii iyo Dawladdii inay is dilayaan, taas waanu beeninaynaa oo waxanu leenahay Dawladda isma dilaynee arrin fool-xun baa Daami ka jira oo laba beelood oo walaalo ah Carruurtoodii baa isdilaysa, Markaa Haddii aanaan Annaga iyo Beesha Ciise Muuse Odayaashoodu iskaashan falalkan soo noqnoqonayaa ma dhammaanayaan oo xataa maanta waxay gaadhay in ciidanku Dhalllinyaradii Toogtaan.” Ayuu yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil. Suldaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Dhibaatada ka taagan xaafadda Daammi ay tahay mid meel sare gaadhay, isla-markaana Hanti badani ku baaba’day, waxana uu intaas raaciyey in Ciidamada Boolisku arrinta si qaldan u galeen, waxana uu yidhi,“Hanti baa la baabi’iyey, Meheradaa la baabi’iyey umad baa la baabi’iyey oo xataa Booliskii baa dadkii iska toogtay, arrintuna ma aha Hebel baa la xidhay, Dhallinyaradii Dhinaca kale kasoo jeedday ee Fidnaddan kiciyeyna ilaa imikaa naloo sheegayaa inay dadkii xaafadahoodii gaaf wareegayaan Booliskuna waligoodba si qaldan bay arrimaha iskaga galaan, arrinkanna six un bay u galeen.” Suldaanku waxa uu cabasho ka muujiyey Hannaanka ay ciidamada Boolisku arrintaas uga hawlgaleen, waxana uu ugu baaqay Hoggaanka Booliska oo uu ugu horreeye Taliye-ku-xigeenku inay Sharciga Waafajiyaan Dhinacii kale oo uu sheegay inay wali dibadda joogaan. “Fooxle ayaanu uga fadhinaa inuu dhinicii kale soo qabqabto, waayo dhinacayga gacan adag buu ku qabtay, waana inuu caddaaladda ku shaqeeyaa inta aanaan si adag uga hadlin ee aanaan odhanin tallaabadii uu qaaday dhinac uun bay ka socotay, waayo isagoo umaddan nabadgelyada uga masuul ah, ciddii uu fal-dembiyeed ku arkana ha qabto.” Ayuu yidhi Suldaan Naasir. Mar uu Suldaanku bixineyey Jawaab uu ku deedafaynayey in arrinta laga dhigo dagaal xukuumadda iyo Xaafaddaas u dhexeeya, ayuu yidhi, “Dhallinyaradayada iyo Dawladdu isma dilayaane Afmiishaarka Burco kasoo hadlaya waxanu leenahay adeer Buuhoodle ka Hadal dhibaatada ka jirta taasaa kaaga baahane, arrintayaduna uma Baahna in la siyaasadeeyo oo waa arrin aanaan caawadaas ka seexanayn oo ilaahay waxanu ka barinaa ilaahow dadkaas aanu meesha ku wada Noolahay ee aanaan kala maarmaynin Na kala qabooji.” Waxa uu ku baaqay in dhammaanba dadka dhibaatadan loo tirinayo ee labada dhinacba kasoo jeeda sharciga la waafajiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay haddii taas la waayo ay arrintu noqon karto in dhinacooda oo kaliya la beegsanayo, “Beesha aanu walaalaha nahay waxanu usoo jeedinaynaa waar arrintu way fool xuntahaye waa in arrinta caddaalad lagu saleeyaa oo dhinacyada is haya loo wada xidhaa, haddii sidaas loo wajahi waayo annaga laftayada ayaa dareemi donna in dadkayaga si gaar ah loo beegsanayo.” Ayuu yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil. Ugu dambayntii waxa uu Suldaanku sheegay inuu isagu yahay Suldaanka Guud ee Beelaha Gabooye, isla-markaana aanay jirin cid aan isaga ahayn oo saldanaddaas sheegan kartaa. Hadalka Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil, ayaa ka dambeeyey Fadqalalooyin muddooyinkan dambe ka taagnaa Xaafadda Daammi, kuwaas oo u dhexeeya Beelaha Gabooye iyo Beel kale oo halkaas wada Degaaan, waxana wali aan la gaadhin xal waara oo arrintaas meesha lagaga saari karo.