Guddoomiye Saleebaan Oo Tix Uu Hoggaamiyihii Daraawiishtu Tiriyey U Daliishaday Su’aal Laga Weydiiyey Gaabiska Lagu Dhaliillo In Hoggaamintiisu Ku Keentay Shaqadii Golaha Guurtida+Kana Hadlay Muddo Kordhinta La Hadal Hayo
“Ka Daaya dembiga Aad Madaxweynaha Ku Raraysaan, [Muddo Kordhin] Muu Codsane….. Maalintii U Dembeysay Wuxuu Yidhi Madaxweynuhu Aniga Maalinna La Ii Kordhin Maayo, Ee Ma Wax Kale Ayuu Ka Dembeysiiyey!!!!?”
+++++
“Maalin Ay qolo Isaaq Ahi Ku Soo Dhawaatay Daraawiishta ayaa Ina Cabdille Xasan Uu Wasiirkiisii arrimaha gudaha Ku Yidhi “Dagaalkaba Suudiyoow Anigu Dooni maayo’oo, Dibin-daabyo Habar Yoonis Dani Igama Haysee, Ma….”
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan [Saleebaan Gaal] oo shalay ay raxan weriyeyaal ahi ku booqdeen xafiiskiisa golaha guurtida ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey xaallada dalku marayo amuuraha xilligan ka aloosan saaxadda siyaasadda dhexdeeda, kuwaas oo ay kamid tahay muddo kordhin cidda dabada ka riixaysa la is weydiinayo oo loo samayn doono xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, dhaliillo ay qaar kamid ah xubnaha golaha guurtidu u jeediyeen hoggaaminta Guddoomiye Saleebaan iyo kuwo kale. Intii ay weriyeyaashu su’aalaha weydiinayeen waxaa uu guddoomiye saleebaan jawaabihiisa raacinayay weedho uu iska dhicinayo weydiimahooda, kuwaas oo uu hordhac uga dhigayay afeef u macno eeg. Ugu horeyn guddoomiye Saleebaan waxaa uu ka hadlay Muddo kordhin kale oo la sheegay in loo wado Xukuummada madaxwayne Siilaanyo, maadaama oo ay Warbaahinta maxaliga ahi maalmahan baahinaysay in wasiirro ka mid ah xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay doonayaan muddo Kordhin labaad si ay doorashadu dib u dhacdo. Ugu horeynse mar wax laga weydiiyey guddoomiyaha aragtida uu ka qabo kootada dumarku ku doonayaan in ay saami ku helaan kuraasi aan lagu tartamin oo goleyaasha qaranka ah, waxaa uu yidhi “ horta wixii sharcigu yahay uun baynu ku dhaqmaynaa, anigu’se Saleebaan ahaan shakhsiyan waxaan leeyahay dumarku xaq bay u leeyihiin in ay halkan ay hadda joogaan siyaadsadaan, waanay ku yar tahay in ay boqolkiiba soddon [30%] helaan, markaynu tiradooda qiyaasno waxaa ay u qalmaan boqolkiiba lixdan iyo siyaado, waxaan leeyahay waar wixii ay xaq u leeyihiin aynu u ogolaano” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).
Su’aalihii guddoomiyaha ay weriyeyaashu la boobeen waxaa kamid ahaa su’aashan: “Md. Guddoomiye Maalmihii ugu dembeeyey waxaa jirtay in magaallada laysla dhex wareegayay warar odhanayay in ay imanayso muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, isla markaana ay suurto gal tahay in doorashooyinku dib u dhacaan, arrimahaas marka la soo hadal qaado waxaa inta badan dhacda in adiga oo guddoomiyihii guurtida ah ay dadku kuu yaqaanaan in qalinkaagu uu hal sanno amah al sanno iyo badh muddo kordhin ah qoro, arrimahaas ka waran, maxaad ka odhan lahayd?. Su’aashaas ayaa la weydiiyey guddoomiye Saleebaan, waxaanu kaga jawaabay “ waar heedhaha [Weriyeyaasha isaga oo la hadlay], waxaan idin idhi anigu warkaas idinlama hayo, madaxweynahana kama hayo, wax ha la ii kordhiyona wallaanan ka hayn, waxaasi waa jaraa’idkiinnaas iyo telefishannadaas oo idinkaa walaaqaya, [waxaanse idin leeyahay] markay timaado [muddo kordhintu] waxaad tidhaahdaan waar [Guurtidaays] ka daaya oo gacanta naga qabta, maantase naguma jirto in aanu muddada kordhino, madaxweynuhuna ma codsan, rabitaanna kumaan ogayn. Markaa isagana dembigan aad ku raraysaan ka daaya, annagana marka wax noo yimaadaan, dawlad la’aanni marnaba horta dhici mayso, haddiise wax kale la waayo wixii la yeellayo uun baanu odhan doonaa”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan-Gaal, waxaanu inata ku daray isaga oo carrabka ku adkaynaya sida ay guddoomiye ahaan uga go’an tahay in doorashadu qabsoonto “Doorashadii waa in horta la galaa, madaxweynuhuna maalintii ugu dembeysay waxaa uu yidhi anna maalinna la ii kordhin maayo labada doorashona waa dhacayaan, ee ma wax buu ka dembeysiiyey!!!!”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu. Mar ay weriyeyaashu wax ka weydiiyeen guddoomiyaha dhaliillo ay qaar kamid ahi ugu jeediyeen in shaqadii golaha guurtidu ay hoos u dhacday marka loo eego cahdigii uu Marxuum Sheekh Ibraaim guddoomiyaha ahaa, isla markaana ay waajibaadkii ummaddu u igmatay gaabisay xilligan uu Saleebaan ahaan guddoomiye guurtida yahay, waxaa uu kaga jawaabay su’aashaas isla su’aal kale oo uu weriyaha ka hor keenay isaga oo soo daliishanaya tix gabay ah oo uu hoggaamiyihii daraaawiishtu tiriyey, waxaanu yidhi “Xaaji Suudi ma maqashay?, Wasiirkii arrimaha gudaha ee Ina Cabdille Xasan buu ahaa, dabadeed maalin ay qolo Isaaq Ahi [oo dagaal kula jiray daraawiishtu] soo dhawaatay oo wuxu is yidhi dabkaa la saari, kadibna waxoogaa digniin ah oo khusuusigii fadhido kaga hor tegey, Ina Cabdille Xasanna waa ku gartay [fahmay dulucda Xaaji Suudi], oo wuxuu yidhi [tix gabay ah]:
“Suudoow dagaalkaba anigu dooni maayee,
Dibin-daabyo Habar Yoonis dani igama haysee
Ina Shiciri baa dilay Daawiyo Al-Islaaxe,
Aar ma ku dayatay waadigan wax duqlaalinayee”.
Horta anigu waxaan idin leeyahay [qoladiinan warbaahintaay] duqlaallada daayoo, annaga ha isku kaaya ibtilaynina. Mida labaad waxaan idin leeyahay, anigu su’aashaas dee nin uun baa yidhiye jawaabteeda ma lihiye goluhu waa badan yahayee iyaga waydiiya” ayuu kaga jawaabay su’aasha laga weydiiyey dhaliillaha loogu jeediyey in shaqadii golaha guurtidu hagaastay muddadii uu hoggaaminayay.