Horta Marka Dawlad La Noqdo Maxaa Faqash Loogu Hadal Eekaadaa?

0
109

Habeen ayaa anaga oo gaadhi wadana lana joojiyey gooladda u dhexeysa dhakhtarka iyo Madaxtooyada. Qiyaastii waa 1993 gii. Askarigii taraafikada ahaa oo taagnaa ayaa intu na gartey aniga iyo nin ila socdey oo la yidhaa Hussein Abdi Weerar nagu yidhi, caawa xaalku uu xunyahay ee hore iskaga hoyda. Hussein oo jabhadda ahaa ayaa weydiiyey oo ku yidhi maxaa jira?. Askarigii ayaa yidhi woxoogaa dhaqdhaqaaqa ayaa jira markaa xaalku uu yara qasanyahay ee iskaga hoyda. Hussein ayaa ku celiyey oo ku yidhi waar haaye maxaa jira? Askarigii ayaa yidhi Mooyi! Malaha gaadhi aan la garaneyn oo rag saaranyihiin ayaa soo galey magaalada iyo waxbey lahaayen, markaa heegan ayaa lagu jiraa.

Hussein oo yaaban ayaa askarigii ku yidhi, magaalada oo 200 oo taangi iyo 20,000 oo cidan ihi joogaan ayaa duhur cad la soo galee, ma waxa ad shaqo ka dhigateen gaadhi iyo dhowr qof ayaa Hargeisa oo xor ah loo gelinayaa bandow. Wuxu u raaciyey, horta marka dawlad la noqdo maxaa dadka faqash iyo fule ka dhiga. Askarigii oo yara khajilsan dhana ka mirqaansan ayaa yidhi, waar aabahood wwwww waxaasey noo sheegeene maxaanu sameynaa, anagii baa sidii faqashta u hadleynee.

Anigii ayaa isweydiiyey oo idhi tolow faqashnimadu waa maxey? Faqashnimadu waa is cabudhin iyo luqadaada ood bedesho oo ku hadasho af u eeg kii Radion Muqdisho ku hadli jirey, oon qofka caadiga ihi ku fahmeyn iyo digdigleyn ay ku jirto xaalad abuur iyo walaacgelin.

1235213_10205136212714200_753649672560209477_nFaqashnimadu waa wax lakala dhaxlo ama la is qaadsiiyo sida cudurka. Iminkadan ayaa marka an dhageysto madaxda dawladda oo ama idaacadda ama TV-ga ka hadkleysa runtii ma fahmo inta badan. Waxan is idhaa bal kala soo bax nuxurka waxa ay doonayaan iney gudbiyaan balse wey igu adkaataa inaan fahamo. Waayo qofkani wuxu bedeley afkiisii caadiga ahaa oo wuxu ku hadlayaa af buurbuuran oo loo heysto afka madaxtinimada balse aan laheyn nuxur badan oo lagala soo baxo. Madaxdani waa aftahamiin iyo hadal yaqaano inta aaney dawladda gelin. Balse waxa ay bedelayaan qaabkoodii ay u hadli jireen marka ay dawladda galaan, taasina waxa ay keentaa ku hadalka af-dawladeed u eekeysiiya madax madax balse aan laheyn wax nuxur ah.

Qalinkii: Maxamed Cali Bile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here