“Horteyda Ayey Walaashey Ku Gowraceen Oo Madaxeediina Dusha Ayey Ii Saareen”

0
31

Haweenay Ku Sugnayd Goob Shabaabku wax ku Xasuuqeen Oo Ka Warrantay Dhacdo Murugo Leh

Leego:(Hubaal)-Iyadoo Xoogaga Al-shabaab ay weerar aan hore loo arag ku qaadeen xero AMISOM  ku lahaayeen deegaanka Leego, ayaa waxaa dhacdadii halkaasi ka dhacday warbaahinta u faahfaahisay   Safiya Axmed oo ka badbaaday weerarka xarunta lagu galay. meydka dumarSafiya waxa ay sheegtay in iyagoo gaadhayo 8 dumar oo Soomaali ah ay ka dhex shaqeynayeen goobo lagu cunteeyo oo ku taalla gudaha xarunta, waxa ayna sheegtay in weerarka lagu dilay ilaa Shan kamid ahaa dumarkaasi.  Waxa ay ka sheekeysay qaabka loo dilay saaxiibadeedii la shaqeynaayay, wayna il meysay goortii ay ka sheekeeynaysay dhacdada, waxa ayna carrabka ku dhufatay in qoorta laga wada jaray gabdhihii la shaqeynaayey, kaadib markii  madbakha goobta ay ku iibinayeen raashiinka ay u galeen ilaa 4 Maleeshiyo oo ka tirsan Al shabaab oo maka hore rasaas ooda kaga qaaday kadibna u adeegsaday mindiyo.  Waxa ay tidhi Safiya Axmed ’’Annagu waxaanu aheyn dad masaakiin ah oo nolol maalmeedkooda ka raadin jiray maqaaxi nooga furneyd xarunta, waxaa hareeraha xarunta kasoo booday Al-shabaab badan oo ku kala orday xarunta waxa ay bilaabeen rasaas iyo qaraxyo’’  ‘’Waxa ay isku qeybiyeen laba koox, kooxda koowad waxa ay ku howlanaayen gowraca dadka baxsadka ahaa, kooxda kale waxa ay ridayeen rasaas waxa ayna la beegsanayeen askarta AMISOM’’ ‘’Anagoo tiro dumar ah ayay noogu soo galeen kushiinka waxa ayna nagu fureen rasaas, aniga wan istuuray waxaana iska dhigay qof ay rasaasta haleeshay, intaa kadib mid iyaga kamid ahaa ayaa ku qeyla dhaamiyay dumarka rasaasta ha inooga khasaarinina wan gowraceynaa, waxa ay gowraca ka bilaabeen walaashey iga yar qoorteda aniga ayay igu soo dul tureen waxa ayna ii saareen dhabarka’’  Safiya Axmed waxa ay sheegtay in Maleeshiyada Al-shabaab ay yihiin kuwo naxariis daran, waxa ayna ku tilmaantay kuwo ay ku yartahay diinta islaamku.   Waxa ay qirtay in Xarunta lagu dhamaday islamarkaana ay waayeen wax gurmad ah oo gargaar u fidiya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here