Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Laga Wareystay Hubka Gobolka Lagu Qabtay, Cida Loo Waday Iyo Meesha Laga Keenay
Hargeysa(Hubaal) -Ciidamada amaanka Somaliland, ayaa degmo gobolka Awdal ka tirsan ku qabtay hub waaweyn iyo waxyaabaha qarxa. Ciidamada ayaa baadhis ku haya hubkaasi iyo halka loo waday baadhis ku haya.
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sharaxay noocyada Hubka ee ay qabteen “Hubku wuxuu ka kooban yahay laba hoobiye, Rasaasta hoobiyaha iyo budada loo isticmaalo waxyaabaha la qarxiyo oo dhawr nooc iskugu jirta, iyo fuyuusyadii qalab noocyadaas ka kooban weeye” ayuu yidhi Mr Ramaax oo BBC-da la hadlay.
Badhasaabka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo halka qalabkaasi loo waday iyo cida wadatay “Waxaanu ku qabanay gudaha Somaliland, sideed way u xidhan yihiin baadhistiina way socotaa” ayuu yidhi Mr Ramaax oo ku gaabsaday in faahfaahinta dib laga soo sheegi doono.
Maxamuud Saleebaan Ramaax waxa la waydiiyay sida ay ku ogaadeen hubkaasi waxaanu ku jawaabay “Waxaanu ku qabanay tuulooyinka xagga buuralayda xiga ee gobolka Awdal tuulo ka mid ah, waxaanuna ku ogaanay dee dalku sirdoon buu leeyahay, Ciidan boolis ah buu leeyahay, ciidan military buu leeyahay, dawladdiisa ayaa heegan ah oo ka soo horjeeda waxyaabahan oo kale runtii”
Badhasaab Ramaax oo sidoo kale la waydiiyay in hubkaasi u socday Kooxda Suldaan Wabar iyo in kale waxa uu ku jawaabay “Markaan warbixin hor dhac ah oo xaqiiqo ah ku siiyo qoladaas iyo hubkani wax xidhiidh ah oo ay leeyihiin ma jirto, tani waa arrin kale oo aad adiguba ka war hayso, markaa waxa weeye qaabka hubka la isticmaalayaa wuu kala duwan yahay, markaan inyar warbixin ku siiyo anigoo waliba ahayn Booliska oo faahfaahin badan bixin doona haddana markaad aragto biro la googooyay waxaas qoladan(Kooxda Wabar) xidhiidh ma leh, ee waxyaabihii awal ba geeska ka jiray ayay xidhiidh la leeyihiin, markaa angu kooxna ma magac dhabayo ee waxay xidhiidh la leedahay kuwii waxqarxin jiray”
Badhasaabka Awdal waxa uu sheegay in baadhis lagu hayo hubkaasi lana sheegi doono faahfaahinta wakhtiga ku haboon hase ahaatee, waxaa hadalkiisa ka muuqata in hubkaasi lagu tuhunsan yahay inay Al-shabaab leedahay, maadaama kooxda kaliya ee wax qarxisa ee geeska Africa ka jirtaa tahay Kooxda Al-shabaab ee koonfurta Somalia ka dagaalanta.