Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Itoobiya ayaa soo dhawaysay in maalgashi shisheeye lagu horumariyo dekedda Berbera ee Somaliland, si ay uga faa’iidaysato isticmaalkeeda oo ay wax ugala soo degto.
Shirka Ballore oo laga leeyahay dalka Faransiiska, muddooyinkii u dambeeyeyna wadahadalo la xidhiidha maalgashiga dekedda Berbera kula jirtay xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya si xooggan u taageeray maalgashiga dekedda Berbera, maadaama Itoobiya doonayso inay dekeddaas kala soo degto badeecado kala duwan mustaqbalka.
Madaxweynaha shirkadda Bollare oo Mr. Dominique Lafont iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Somaliland, kulana la yeeshay madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin xukuumada ka tirsan shalay, ayaa sheegay in Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu si wayn u taageersan yahay in shirkadda Bollare maalgelin ku samayso dekedda.
“Waxaannu soo booqanay Madaxweynaha Somaliland si aannu ugu muujinno sida ay uga go’an tahay Bollare Group inay horumariso dekedda Berbera si ay uga qaybqaadato horumarka Somaliland iyo si loogu furo dalka Itoobiya. Shalay (Isniin) waxaan la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo si xoog ah u taageeray mashruucan. Sidaa darteed, mashruucani waxa uu noqonayaa mid loo wada yeelanayo dawlad iyo gaarba oo ka dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda Ballore.
Mashruucani waxa uu abuurayaa shaqooyin iyo in dekeddu noqoto mid soo jiidasho yeelata si ay uga qaybqaadato kobaca dhaqaalaha Somaliland, annaguna si wayn ayaanu ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Bollare Mr. Dominique Lafont oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu dhammaaday kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno wasiirradiisa ka mid ah la yeesheen.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna ka hadlay ujeeddada kulan weftiga masuuliyiinta shirkadda Bollare iyo Madaxweynaha, waxaannu yidhi, “Sidaad ula socotaan kombanigani dhawr jeer ayuu halkan noogu yimi, waa kambaniga caalamka ugu wayn xagga dekedaha. Weftigani waxay ka yimaadeen Itoobiya oo ay kula soo kulmeen Ra’iisal-wasaaraha dalkaasi oo ah halka aynu doonayno in aynu ka iibinno alaabta haddii dekeddu shaqayso ama ay dhammaato.”
“Waxaannu ka wadahadalnay sidii aannu hore ugu sii wadan lahayn shaqadii oo muddo ayaanu wada shaqaynaynay, sidaasi ayey ugu yimaadeen Madaxweynaha inay u xog-warramaan,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiir Biixi.