“Wallee Inaanu Jiri Doonin Wasiir Dambe Oo Hargeysa Baad Lagu Siiyo, Dhicina Mayso Maayar Dambe La Iska Rido Intaan Joogo” Gud. Mustafe Shiine
Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa ku Goodiyey in Gobolka Gebilay aanay Iman doonin Wasiiro Sida uu Sheegay Markii hore baad lagu siin Jiray Waxaanu Xusay in Taasi Mar danbe aanay dhici doonin,Waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku ladhay in aanay Jiri doonin Maayar la iska rido Mudada uu Xilka hayo.