Hargeysa(Hubaal):- Suxufiga caanka ah ee Siciid Cali Muuse oo muddo sannadood ah ka shaqaynayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isla markaana caan ku ahaa Barnaamijyo uu ka mid yahay Bandhigga Ciyaaraha, ayaa ka sheekeeyey markii ay ugu darnayd intii uu Saxaadda Saxaafadda ku jiray iyo dhacdadii ugu yaabka badnayn uguna naxdinta badnayn iyo ta ay ahayd.
Siciid Cali Muuse oo ka mid ah Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka loo magacaabay toddobaadkii tegay, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland dhawr maalmood ka hor u gudbiyey magacyadooda Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, iyagoo sharci ahaan awood u leh kala shaandhaynta iyo kala-reebista toddobada Xubnood ee loo magacaabay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Waxaana Siciid Cali Muuse uu sidoo kale ka warramay hankiisa inuu Guddoomiyaha toddobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka noqdo la xidhiidha iyo rejadiisa inuu ka gudbi doono Golaha Wakiillada Somaliland oo si ay u ansixiyaan uu toddobada xubnood ee uu ka midka yahay ee Madaxweynuhu u gudbiyey Wakiillada.
Siciid Cali Muuse oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka warramaya, isla markaana talooyin siinaya Weriyayaasha tiradoodu dabarka goosatay ee guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya, Si Aad Uga Bogato Warbixinta oo dhamaystiran GUJI SAWIRKAN HOOSE Oo Daawo Waraysigiisa Oo Idil oo Uu Weriy Aadan Cabdi Ciidle LaYeeshay: