Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahin Habanne oo xilkii wasiir ku xigeennimo u kala wareejiyey wasiir kux igeenkii hore ee wasaaradda waxbarashada haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda wershadaha Md. Yuusuf Cismaan Garas iyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda waxbarashada loo soo magacaabay Md. Shaacir oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka maalliyada.
Munaasibad bilan oo labada wasiir ku xigeen xilka kula kala wareegeen oo maanta lagu qabtay magaallada Hargeysa ayaa wasiir kux igeenkii hore ee waxbarashadu Md. Yuusuf Cismaan Garas oo halkaasi ka hadlay waxaa uu ka warramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka wasaaradda waxbarashada hayay isaga oo farta ku fiiqay guullo la tilmaami karo in wasaaraddu gaadhay oo uu qayb ku lahaa. Waxaanu wasiir ku xgeenka cusub u rajeeyey in uu halkaasi ka sii wado hawsha.
Wasiirka waxbarashada Md Cabdillahai Ibraahi Habane oo isna halkaas ka hadlay ayaa wasiir garas ku ammaanay wada shaqayntii ka dhaxaysay labadooda iyo guud ahaanba xidhiidhkii uu hawl wadeennada waxbarashada la lahaa muddadii uu xilka wasiir ku xigeenka hayay Md Yuusuf Cismaan Garas,.
Haddaba Muuqaalka ku saabsan xafladii xil wareejinta ee labada wasiir ku xigeen halkan hoose ka daawo