“Anigu waxaan odhan karaa wuu igaga nasiib wacan yahay Wasiirka cusubi, maxaa yeelay markii….”
Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooaydda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay shalay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xafladan waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta iyo shaqaalaha madaxtooyadda Somaliland.
Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo ka hadlay xafladaas ayaa warbixiyey baaxada iyo culayska ay leedahay wasaarada madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee maanta la kala wareegaya Xilalka.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wasiirka cusub isla markaana sii sagootinayaan Wasiirkii hore oo uu ku ammaanay wax-qabad iyo karti. Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in markii xilka loo magacaabay aanay jirin wasaarad uu la wareegay. “Anigu waxaan odhan karaa wuu igaga nasiib wacan yahay Wasiirka cusubi, maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda madaxtooyada la yidhaahdaa oo aan la wareegay balse maanta waxaan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin hawlaheedii iyo waaxaheedii wasaaradnimo,”ayuu yidhi Wasiirkii hore Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirkii hore waxa uu amaan u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo lix sanno ku dhow oo ay soo wada shaqaynayeen, waxaanu madaxweynaha ku sifeeyay Hoggaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan. Wasiirka cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo xafladaas soo gabo-gabeeyay ayaa u mahad naqay Wasiirkii hore ee madaxtooyadda oo uu sheegay inuu ahaa masuul ay saaxiib ahaayeen oo wax weyn qabtay mudadii uu la shaqaynayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo iyaguna isla xafladaas xilalkii kula kala wareegay Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada bari imikana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo isna xilkii wasiirul dawlaha ku wareejiyay Wasiirul dawlaha cusub Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab). Waxa kale oo iyaguna xilkii isla la kala wareegay Afhayeenka cusub ee madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) iyo Afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul.