DAAWO Labada Xog-haye Guud Ee Xisbiyada UCID iyo WADDANi Oo Cawayskii Caawa Shir Jaraa’id Oo Arrintan Ku Saabsan Ku Qabtay Ambassador Hotel
Xukuumadda Oo Wadahadalladii Ku Saabsanaa Diiwaangelinta Kaga Baxday Mucaaridka, iyo Sababaha Keenay DAAWO
Hargeysa (Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa si cad uga Baxday Wada-hadal ku saabsanaa in xal laga gaadho muran iyo is afgaran waa ka dhashay Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah oo hortaalla Golaha Wakiillada, oo turxaan Bixinteeda Maanta loo Ballansanaa.
Labada Xoghaye guudLabada Xisbi Mucaarid, ayaa Galabta Ballan arrintaas lagaga wada Hadlayo Huteel Ambassador kula lahaa Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda oo isku Duuban, waxase Ballantii ka Baxay oo iman waayey Xukuumadda iyo Xisbigeeda sida ay Warbaahinta u sheegeen Labada Xisbi-mucaarid.
Xogha-yayaasha Guud ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid oo halkaas saxaafadda kula Hadlay, ayaa sheegay in xukuumaddu ka baaqsatay Wada-hadalkaas isfahanka lagu raadineyey, isla-markaana ay kusoo wargelisay inay arrinta ku wareejisay Xisbiga Kulmiye oo isaguna ka baaqsaday inuu Yimaaddo.
Labada Xisbi Mucaarid ayaa shalay ku dhawaaqay inay Xukuumadda la Bilaabeen Wada-hadal lagu xallinayo Arrinta lagu kala boodsan yahay, balse, xukuumaddu arrintaas waa ay ka Noqotay, iyadoo sababtana ay kasoo baxayaan warar kala duwani.
Sida ay sheegayaan wararka ku saabsan sababta Axsaabta mucaaridka ah Wada-hadalka loogaga Baxay oo soo gaadhay Qurbejoog.com, waxa arrintan sabab u ah Shir ay Habeenkii xalay Marwada Madaxweynuhu la Yeelatay Xubno sare oo xukuumadda ka tirsan, gaar ahaan Wasiirrada wada Hadalka qaabilsanaa, kuwaas oo ay ku wargelisay inaanay wax wada Hadal ah la geli Karin mucaaridka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xukuumadda lafteedu ku kala jabtay Arrinta wada Hadalka, isla-markaana ay xubno Wasiir Xirsi ka mid ahaa ku baaqeen in lasii wado wada-hadalkii lagula ballamay Mucaaridka, balse marwadu arrinta maroorsatay, isla-markaana ku qancisay inay ka baaqsadaan wada Hadalkaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in cali warancadde oo isagu Halbawle u ahaa wada Hadalku uu si cad ugu sheegay marwada inay Khalad tahay in mucaaridka lagala Gorgortamo Arrimaha Diiwaangelinta, isla-markaana aanay daw ahayn in laga talo geliyo, iyadoo Marwaduna ku raacday.
Sida ay wararku sheegayaan waxa xubnihii halkaas jooogay oo marwadu ugu tunweynayd isla garteen in Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo codbixiya-yaashu iyagoo is barkan si duuduub ah Golaha looga Ansixiyo, si meesha looga saaro Cabashada Mucaaridka.
Madaxweyne Siilanyo, ayaa la sheegayaa inaan arrintaas waxba laga ogaysiin, isla-markaana lagala dhuuntay Arrintan lagu docfaruurayo ballanta mucaaridka lala galay, waxana Haatan Go’aan lagu gaadhay in Maalmaha foodda inagu soo haya Xeerarkaas Muranku ka taagan yahay Golaha laga ansixiyo, iyadoo wasiirrada Dhegaha nugulna lagu amray inay Xubnaha Golaha Wakiillada Arrinta usoo jilicyaan.
Si kastaba ha Ahaatee, Docfaruurka Marwada qaranka iyo xubnaha kooban ee wasiirrada ahi u geysteen Ballantii lagu turxaan Bixinayey Khilaafka Doorashooyinka ayaa Dhirbaaxo dib u dhigi karta doorashooyinka soo socda ku ah Hannaankii diiwaangelinta loo wadi lahaa, waxase xukuumaddu isku qancisay inay Diiwaangelinta wadi karto Mucaaridka la’aantiis.