HUBAAL: DAAWO Ciidammo La Mid Ah RRU-da Somaliland Oo Ay Maanta Dawladda Ingiriisku Ka Aasaastay Muqdisho+Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Saraakiishisa Amniga Oo Soo Dhaweeyey+DAAWO SAWIRRO Badan

0
203

Muqdisho (Hubaal)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa maanta ka qeybgalay shir bishiiba mar Muqdisho lagu qabto oo lagaga hadlayey amniga dalka, gaar ahaanna caasimadda, kaasi oo ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay Wehliyaan Wasiirro katirsan xukuumaddiisa ayaa ka hadlay amniga iyo sida lagu xoojin karo, maadaama maalmihii la soo dhaafay ay dhagar qabayaasha Al-Shabaab joogteyeen beegsiga dadka muslimiinta ah ee Sooman
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeyay ee ay ciidanka boliiska ay kasameyeen qaarka mid ah gobollada dalka iyo sidookale magalada Muqdisho oo uu ku sheegay in ay kaga hortageen falal kala duwan oo ay koxaha dhagar qabayaasha ku doonayeen in ay bulshada ku dhibaateeyaan.
DSC03240-tile“Saraakiisha iyo ciidankuba waxa ay diyaar u yihiin oo har iyo habeen u taaganyihiin difaaca dalka oo ay ka difaacayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxa ay ka difaacayaan 24-saac suuqyada, xarumaha Waxbarashada, goobaha ganacsiga iyo goobaha kale ee muhiimka ah oo ay kooxaha u diidanyihiin in bulshada ay horumar gaaraan, waxa ay rabaan inay Ummadda ku hayaan Mugdi iyo baqdin, ciidanka waxa ay diyaar u yihiin inay bulshadooda u shaqeeyaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.
Sihayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in wada sheqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso hey’adaha amniga dalka si loo ciribtiro kooxaha Al-qaacidada ee dhibaateyneyso shacabka Soomaaliyeed.
“Arrintan waxaa wax looga qaban karaa Labo qodob oo ah midda koowaad inta aan wax dhicin in la ogaado lagana hortago, qodobka labaad waa marka uu wax dhaco in laga dabo tego, marka ciidanka waxaan ku boorinayaa inay u istaagaan sidii falalka soo noq noqday in laga hortago” ayuu yiri Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa iclaamiyay todobaadka kacdoonka shacabka Sooamliyeed, kacdoon kaas oo kusaab san ciribtir ka maleeshiyaadka Al-Shabaab.
“Fursadaan aan uga faa’iideysto in aan iclaamiyo Todobaadka kacdoonka dadweynaha oo aynu geli doono haddii uu Alle idmo, si aan cadowga u tusno isku duubnimada Madaxda, ciidanka iyo shacabka ka dhexeysa oo aan diyaarka ugu nahay in aan iska dhicino, Wasaaradaha iyo Maamulka Gobolka Benaadir waxaan farayaa in laga wada shaqeeyo todobaadka kacdoonka shacabka oo aan ugu tacsiyeyneyno dadkii aan jecleyn ee naga dhintay, islamarkaana noqdo Todobaad aan ku muujinayno carada dadweyne ee dhibta lagu hayo” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli
Ra’iisu wasaare Cabdiweli ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii maanta ay ciidamadu fashiliyeen ee ka dhacay taalada Sayidka oo ay ku dhinteen askar iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.
Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha iyo Xubnihii Wasiirada ee la socday ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan.
Sidoo kale waxa ay la kulmeen Danriha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Idiris

ru

RRU

rru3rru4rru5rru6

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here