HUBAAL: DAAWO Laba Hablood Oo Soomaali Ah Oo Ay Guursadeen Hoggaamiyeyaal Ka Tirsan Islaamiyiinta Ka Dillaacay Syria Iyo Ciraaq

0
30

HALKAN KA DAAWO Aabaha Dhalay Labadan hablood ee Mataannaha ah oo Ka Hadlay Arrintan

London (Hubaal-Dailymail)Laba Hablood  oo dhawaan ku Biiray Kooxda Daacish ee Dalka Siiriya ka Dagaallanta, muddooyinkii u dembeeyeyna Awood ku yeeshay wadanka Ciraaq ayaa la weriyey in  loo Guuriyey Rag Kooxdaas ka tirsan sida ay Baahiyeen Warbaahinta Dalka Ingiriisku.

Warbixin arrintan ku suntan oo lagu daabacay bogga hore ee Wargeyska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa sheegay in Salma iyo Sahra Xalane Oo Labadooduba Soomaali ah isla markaana  mataano ah ay hadda guursadeen xubno ka tirsan hogaamiyaaha Al-Qacida ee dagaalka kula jira dawladaha Syria iyo Ciraaq.

Wargeyska waxaa uu sheegay in baraha bulshadu ku kulanto lagu qoray Salma oo leh “Waa Alle mahadiis waayo waxaan xaas u noqday mid ka mid ah mujaahidiinta Ardu Shaam”.

Salma waxaa la sheegay inuu guursaday dagaalame Al-Qacida ka tirsan oo u dhashay dalka Afghanistan hase ahaatee haysta dhalashada dalka Ingiriiska.

Gabdhahan ayaa sidoo kale la daawaday iyagoo baranaya sida hubka loo adeegsado gaar ahaan sida wax loo toogto, ama qoryaha loo isticmaalo iyo sida bambaanooyinka loo gano.

Waalidiinta gabdhahan oo ay warbaahinta Britain la xidhiidhay ayaa sheegay inay ugu war dambeysay maalmihii ay ka tageen ee ay Syria galeen.

Saddex todobaad ka hor ayay aheyd markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in labadan gabdhood ee Soomaalida ah ay xilli habeen ka dhuunteen gurigooda oo ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska waxaana ay u safreen dalka Suriya si ay Al-Qacida ugu biiraan waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ku dageen walaalkood oo uga sii horeeyay dalka Syria.

Soomaali aan tiro yareyn oo rag iyo dumar iskugu jira oo meelo kala duwan ka kala tagay ayaa la aaminsan yahay inay Syria iyo Ciraaq joogaan iyagoo Al-Qacida ka bar bar dagaalamaya.

Dumarka Al-Qacida ku biira hawsha ugu badan ee ay qabtaan waa in loo guuriyo ragga hubeysan ee dagaalka ku jira iyagoo aanay waalidkood ogeyn.

Haddaba Halkan Ka Daawo Waraysi Arrintan ku Dhereran Oo Warbaahinta Ingiriisku La Yeelatay Aabaha Dhalay Labadan Hablood Ee Mataannaha Ah

Sidoo Kale Halkan Ka Akhri Warbixinta Laga Qoray oo Afka Ingiriisida Ku Xardhan

article-2686684-1F81B79700000578-521_306x423-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here