HUBAAL KA AKHRI: Boqor Bad-madow Oo Xaal Gole-joog Ah Ka Bixiyey Qadaf Uu Tilmaamay In Cismaan Buur-madow Kula Dul Kufay Bulshada AWDAL+Daawo Sawirrada

0
45

“Buur-madow Waxaan U Soo Jeedinayaa In uu Ka Waan-toobo Qadafka Uu Kula Dhac-dhacayo Dadka Karaamada Ka Mudan Dalka..”

***************

HUBAAL KA AKHRI: Boqor Bad-madow Oo Xaal Gole-joog Ah Ka Bixiyey Qadaf Uu Tilmaamay In Cismaan Buur-madow Kula Dul Kufay Bulshada AWDAL, Lana Taliyey Madax-dhaqameedka

***************

“Buur Madow Waxaan U sheegayaa In Beesha Uu Dhaleeceeyey Iyo Beelaha Kaleba Ay Xaq Distoori Ah U Leeyihiin Inay Sheegtaan Wixii Xuquuq Kaga Maqan Dawladda…”

Hargeysa (Hubaal)- Boqor Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaano Boqor Bad-madow, kana mid ah Madaxda dhaqanka ee reer Somaliland ayaa sheegay in uu shacbiga Somaliland guud ahaan, gaar ahaana bulshada gobolka Awdal, xaal ka siiyey Hadallo uu deel qaaf ku tilmaamay oo ka soo yeedhay dhigiisa Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa Waraysi uu Bixiyey Shalay ayaa buste saaray iimo iyo god-daloolooyin ay leedahay xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilanayo gadh wadeenka ka yahay, isaga oo sheegay in indhaha laga lalinayo xaqaa’iqa isla markaana beelaha Somaliland ee saluugsan saami-qaybsiga xukuumaddu aanay gar ugu lahayn xukuumadda inay ku dhaliilaan sed bursi.

Cismaan Buur madow waxa uu sheegay isaga oo si gaar ah ula hadlay beesha gobolka Awdal in ay beesha bariga Burco uga manaafaac badan yihiin ugana badnaayeen dawladihii dalka soo maray. Isaga oo carrabka ku dhuftay in 23-kii sanno ee Somaliland jirtay aanay Beeshoodu wax dhadhamo ah ka helin dawladihii kala dembeeyey halka buu yidhi ay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale iyo Madaxweyne ku xigeenka hadda Md. Cabdiraxmaan Saylici ay hanti ka samaysteen dalka intii Somaliland dawladda ahayd.

Haddaba Boqor Boqor Axmed Maxamed XAsan Bad-madow oo cambaareeyey dhawaaqaasi ka soo yeedhay dhigiisa, isaga oo wax ka fog anshaxa madax dhaqameednimo ku tilmaamay weedhaha uu Buur Madow ku duray bulshada reer Awdal.

Mr. Bad-madow oo Xalay La soo xidhiidhay Bahda HUBAAL Media, waxa uu sheegay inuu aad uga xumaaday qadafka kasoo yeedhay shakhsi madax dhaqameed sheeganaya. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Boqor Bad Madow sidan: “Anigoo ah Boqor Axmed Maxamed Xasan Badmadow, waxaan cambaareynayaa hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow, kaasoo uu ku duray ama uu ku aflagaadeeyay Madaxweynihii hore ee Qaranka Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka hada oo uu sheegay inay Guryo ka dhisteen Hantida Qaranka, isla markaana uu boqor Buur-madow ku xaqirayo xuquuqda Siyaasaddeed ee ay Beesha labadaa Masuul ka soo jeedaan ku leeyihiin dalka.

Anigoo aad uga xun hadalkaas ka soo yeedhay Buurmadow waxaan xaalka ka siinayaa Beesha Samaroon oo aan u arko inay dalka xaq iyo xuquuq badan ku leeyihiin, iyaga Beelaha Bariga ee cabanaya.

Waxaanan u sheegayaa Boqor Buur-madow inay Beesha Samaroon ee uu dhaleeceeyay xaq u leeyihiin inay sheegtaan wixii xaq iyo xuquuq kaga maqan dawladda iyo cid kasta, taasoo ah arrin dastuuriya oo ay xaq u leeyihiin iyaga iyo beelaha kale ee darafyadu.

Haddaba waxaan Boqorka u soo jeedinayaa inuu ka waantoobo hadallada aan munaasibka ahayn ee uu kula dhacdhacayo dadka kaaramada iyo qiimaha ka mudan dalka.

Waxaanan mar kale ku celinayaa in beelaha Sool iyo Awdal saami badan oo ay lahaayeen dawladda kaga maqanyahay, xaqna u leeyihiin inay ka hadlaan oo ay doontaan.” Ayuu yidhi Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow).

HALKAN KA AKHRI: Waraysiga Uu Bixiyey Boqor Buur Madow ee Uu Xaalka Ka Bixinayo Boqor Bad Madow

Bad madaw

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here