Boorama (Hubaal) – Xubin ka mid cuqaasha gobolka Awdal ayaa sheegay inaanu oggolayn raallina ka ahayn golaha dhaqan ee ay dhawaan samaysteen hoggaamiye-dhaqameedyada gobolka Awdal, isla markaana loogu magacaabay guddoomiye, kuxigeen iyo xoghaye.
ewsSida uu ku soo waramayo Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Caaqilkan oo magaciisa la yidhaahdo Yaasiin Cilmi Ibraahim, laguna naanayso Liido ahna caaqilka Beesha bahabar Aadan/Maxamed Case /Samarroon, ayaa war ku saabsan arrintaas ku sheegay in Golaha Salaadiinta Awdal aanu ahayn mid sharci ku dhisan, dalkana aanay ka jirin waxaanu yidhi: “Arrinta golahan horaan uga hadlay, maanta oo shir lagu lahaa huteelka Haldoorna waan u sheegay Guddoomiyaha inuu arrintaasi ka soo horjeedo, waayo dalka kama dhisna, wasaaradda Arrimaha Guduhuna ma soo saarin Caaqiladan iyo Suldaanadanna ninba beel buu metelaa, duruuf gaar ah ayaa beeluhu ku kala noolyihiin, anigu waxaan caaqil u ahay beesha Bahabar Aadan ee Gabiley iyo Awdalba degta, haddii wax la dhisayo waa in raalli laga wada yahay. Anigu ma joogin maalintii guddiga la dooranayey, sida lagu dhisay iyo waxa loo cuskadayna ma garanayo ee arrinkaasi dib haloogu noqdo dadkana haloo soo bandhigo inuu sharci yahay iyo inaanu ahayn.”
Caaqilkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee ka hor yimaadda golaha dhaqanka ee ay dhawaan ku midoobeen Salaadiinta iyo Cuqaasha gobolka Awdal, mana jirin hadda ka hor cid kale oo ka hadasha sharcinimaddiisa iyo sharci-darradiisaba.