Muqdisho (Hubaal)-Ciidamada Nabadsugidda dowladda Somalia ee ku sugan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, ayaa la sheegay inay gurigiisa kala baxay nin wariye ah oo ka hawlgalla idaacad ku taallay Kismaayo ka dibna khaarajiyey.
Ehellada wariyeha la dilay oo lagu magacaabi jiray Farxaan Macallin Maxamuud ayaa u sheegay warbaahinta in ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda ay guriga kala baxeen wariyaha dorraad galab.
“Dorraad galab ayay ciidamada nabadsugiddu guriga noogu soo galeen, waxayna la baxeen Farxaan, dabadeedna way dileen. Waxayna noo diideen inay maydkiisa na siiyaan,” ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Cabdulle oo ay ehelo ahaayeen wariyaha.
Sidoo kale, Cabdulle ayaa sheegay in ciidamadu ay ku eedeeyeen wariyaha inuu la shaqeyn jiray Xarakada Al-shabaab, balse aanay iyagu waxba ka ogeyn arrintaas, ayna caddeyn karaan inuusan xidhiidh la lahayn kooxadaas.
Qaraabada marxuumkan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay sharciga marsiiso ciidamadii dowladda Soomaaliya ee sida sharci-darrada ah dilka ugu geystay wariyahan oo dhawaan ka yimid Kismaayo.
Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey, Aadan Maxamed Cumar oo warbaahintu ay wax ka weydiisay dhacdadan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidamada nabadsugiddu ay si badheer ah u dilaan wariye.
Dhinaca kale, Maxamed Qaasim oo ka tirsan Idaacada afka Shabaabka ku hadasha ee Andulus, ayaa shalay lagu soo bandhigay xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed Qaasim oo Saxaafada kula hadlay Xarunta Nabad Suggida, ayaa ku waramaaya in billihii ugu dambeeyay, uu Magaalada Muqdisho wararka kaga diraaya Idaacada Andulus.
Sidoo kale wuxuu qirtay in laba habeen ka hor laga soo qabtay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, iyadoo uu sheegay in lala soo qabtay marxuumka Farxaan Macalin Muxumed.
Farxaan, ayaa waxaa dishay Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida, ka ka dib markii Maxamed Qaasim uu sheegay in uu iska tuuray gaadhigii lagu soo qaaday.
Saraakiisha Nabad Suggida wax faah faahin ah kama ayna soo saarin sida uu ku dhintay marxuumka, oo ka tirsanaa Idaacada Jubba ee Magaalada Kismaayo, oo sanadkii tagey uu burburiyay Maamulka Ku meelgaadhka ah ee Jubba.
.