Labadan nin ayaa muddo u ololeenayay inay noloshooda soo afjaraan
London (Hubaal/BBC) Maxkamda ugu sarreeysa Britain ayaa Shalay go’aan ka gaadhtey dacwadda reerka marxuumka Tony Nicklinson oo ahaa nin si buuxda uu shalal ugu dhacay iyo Mr. Lamb oo ku curyaamay shil.
Waxay doonayeen in dadka xanuunsan ee qaba cudurrada aan laga soo kabsan karin loo oggolaado in ay dhimasho doortaan iyagoo dhakhaatiirtu ay u fudeydinayaan.
Maxkamadan ayaa diidey codsigooda sababtoo ah waxaa jirey dad kale oo ka soo horjeeda dalabkooda.
Mr. Lamb oo 56 ayaa aad uga xumaaday go’aankan, wuxuu na sheegay in uu aad u xanuunsanayo oo uuna jeclaan lahaa in loo ogolaado dhimasho, sabaabtoo ah wuxuu ka curyaamay inta ka hooseysa dhuunta.
“Weli ma dhiman”
Jane Campbell ayaa ah mid ka mid ah dadka u ololeeyaha xuquuqda naafada, waxay aasaastay shabakad loogu magac daray “weli ma dhiman”, waxayna ka soo horjeeddaa in dadka xanuunsan loo oggolaada inay is dilaan.
Waxay sheegeysa in aanay qasab ahayn in dadka aadka u xanuunsan la dilo.
Badanaa dadku majeclo in ay waalidiintooda dhintaan balse waxaa u geynaya in ay waxaas sameeyaan ayaa ah markay arkaan waalidiintooda oo sakaraad ah, taasi oo ay u dhaanto inay dhintaan.
Tony Nicklinson ayaa uu si buuxda shalal ugu dhacay kaddib markii u shil galey. Wuxuuna ka mid ahaa kuwii rabay in loo oggolaado dhimashada fudud.
Source: BBC somali