”Waxaynu Nahay Wadan Qaangaadh ah oo u Bahaan inuu Mashaariic Waaweyn ka Helo Dunida”- Wasiirka Duulista Somaliland oo shahaado-sharaf ka guddoomay jaaliyadaha ku dhaqan dalka Australia
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland xilligan dhaaftay gargaar iyo dawooyin xumad-jabin loo siiyo, balse ay marayso waqti ay tahay inay horumar iyo mashaariic waaweyn ka hesho dunida kale.
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad ka dhacday xafiiskiisa magaalada Hargeysa oo uu shahaado-sharaf kaga guddoomay jaaliyadda Somaliland ee dalka Australia, waxa uu tilmaamay in xukuumada KULMIYE qorshaysatay sidii ay iskeed wax u qabsan lahayd, horumarna u gaadhsiin lahayd dalka.
“Xaqiiqdii maanta Somaliland ahaan waynu dhaafnay macaawimooyinka yaryar iyo dawooyinkii xumad jabinta aynu u baahnayn. Waxa aynu nahay wadan qaangaadh ah oo u bahaan mashaariic waaweyn dunida ka helo. Xukuumadan maanta tallada haysa ee KULMIYE, waxa saldhig iyo udub dhexaad u ah inay isku halayso qorshaheeda, danteeda dadkeeda, isku tashato oo ay horumar ku samayso, kadib markaas ayey dunidu ku baran kartaa oo aad odhan kartaa wax na siiya. Siyaasadaasina waxay ka turjumaysaa qofku markuu arko in aad tahay qof dantiisa u xusul duuban oo ku hamiyaya harumarkiisa waa lagu qiimaynayaa, laakiin haddii aad gacmaha hoos dhigato dad kale, waxa ay ku soo ururaysaa maahmaahdii la odhan jiray; ‘dad wax dawarsadaa ma laha ikhtiyaar.’ Runtii shaki ma laha in aynu nahay dal fiqiir ah oo aan la aqoosan, laakiin hamigaaga iyo hu’gaaguba wuu kula marti tagaa,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxa kaloo uu sheegay in dalka Australia (Ustareeliya) yahay wadan qanni ah oo u baahan in Somaliland xooga saarto si ay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba uga hesho, waxannu yidhi; “Waxaan is leeyahay runtii meel aynu u baahnayn in aynu xooga saarno wadanka Ustareeliya weeye. Dalka Ustareliya waa wadan weyn oo qani ah, wuxuunna ka mid yahay wadamada maanta dunida ugu dhaqaalaha badan. Waa wadan dihin. Waa meel aynu u baahnayn. Waa dad aynaan is aqoon oo hore xidhiidh inoo dhexmarin. Waxa aynuna u baahnayn in aynu la xidhiidhno meeshaas oo ay fariinteennu gaadho, aynu is barano. Waayo qof ku yaqaan ayuunbaa wax kuu qaban kara.”
Wasiirka Duulista, ayaa safiirka Somaliland ee dalka Australia iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalkaas uga mahadceliyey shahaado-sharafta ay guddoonsiiyeen, waxaannu yidhi; “Marka hore horta Ilaahay ayaa mahad leh, mar laabadka waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo safiirka Somaliland ee Ustareliya Sharma’arke Yuusuf Nuur iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta xisbiga ee carigaasi iyo jaaliyada Somaliland ee Ustareliya, waxaan jecelahay inaan ku hambalyeeyo dedaalka iyo isku xidhka iyaga oo runtii meel fog jooga marka loo eego wadamada kale Yurub iyo Ameerika oo jaaliyadaheennu ku badanyihiin lagayaabaa in ay ka yaryihiin uma jeedo waa dad yar, laakiin marka kuwaa loo eego dedaalka, isku duubinada iyo haruumarka ay dadkooda la doonayaan aad ayaan ugu hambalyeeynayaa guud ahaaba jaaliyad ahaan.”
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Australia Mr. Sharmaake Yuusuf Nuur, wakiilka ka ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaas, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, isagoo xusay in wasiirku muujiyey dedaal iyo waxqabad ay aad ugu bogeen shacabka Somaliland.
“Waxaannu Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda uga mahadnaqaynaa dedaalka waxqabad ee ay muujiyeen, isla markaana aannu guddoonsiino shahaado-sharaf, aad baannaan ugu faraxsanahay waxa ay indhahaygu arkeen, markaa waxan leeyahay sacaatul wasiir aad ayaannu ugu faraxsanahay dedaalka xad-dhaafka ah ee aad wadaan adiga iyo wasaaradaaduba,” ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee dalka Australia.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee wadanka Australia Mr. Xasan Axmed Maxamed, ayaa isaguna sheegay in waxqabadka Wasiirka Duulistu soo jiitay jaaliyadaha qurbaha iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland, taasina ay sababtay inay guddoonsiiyaan shahaado-sharaf wasiirku ku mutaystay dedaalka muuqda ee uu ka hirgeliyey madaaradda dalka Somaliland.