Dhacdo naxdin leh: Rag Qaab Ka Ganacsiga Dadka Ah Looga Soo Dhoofiyey Dalka Pakistan Oo Laga Soo Dejiyey Berbera, Addoonsi Ahaanna Xooggooda Loogu Shaqaystay
• 12 ka mid ah muwaaddiniinta reer Pakistan oo markii xogtooda la helay dib loogu celiye dalkooda + 8 kale oo weli la la’yahay
• Hay’ad sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ka qaybqaadatay badbaadinta muwaaddiniintooda lagu addoonsaday Somaliland
• Rag la badbaadiyey si qiiro leh uga xog-warramay sidii loola dhaqmay iyo qaabka looga soo dhoofiyey waddankooda Pakistan, laguna keenay Berbera
Hargeysa(Hubaal)-Laba iyo toban nin (12) oo u dhashay wadanka Pakistan, ayaa ka sheekeeyay qiso yaab badan oo qabsatay, ka dib markii wadankooda lagaga soo kaxeeyay inay u shaqo tegi doonaan wadanka Sucuudiga balse laga soo dejiyay madaarka Berbera ee Somaliland. Nimankan ayaa si qarsoodi ah dhawaan ugu laabtay wadankoodii.
Nimankan Pakistanida ah oo ay tiradoodu dhammayd 20 nin, waxa lagu soo hoday xayaysiis lagu baahiyay warbaahinta wadankooda oo lagu dalbanayay in loo baahanyahay shaqaale ka shaqeeya arrimaha kalluumaysiga oo laga doonayo dalka Sucuudiga, waxaanay dhammaantood codsadeen shaqooyinkaas. “In shaqada lagu bixin doono mushahar badan ayaa na soo jiidatay, waxaanu ahaa xayaysiis warbaahin lagu qoray. Waxaanu xayaysiisku ahaa inaanu kalluumaysi ahaan kaga shaqayn doono wadanka Sucuudiga, laakiin halkii aanu ka sugaynay inaanu tagno dhulka barakaysan, waxaanu ka degnay Somaliland.” Sidaas waxa warbaahinta Pakistan u sheegay Mr. Feroze Bhatti oo ah kalluumayste Pakistani ah oo kooxdan ka mid ahaa, kaas oo wadankiisii dib ugu laabtay.
Nin ka mid ah kooxdan oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa qisadan si dhammaystiran warbaahinta Pakistan ugaga sheekeeyay, waxaanu yidhi, “Arrintayadu waxay bilaabmatay markii aanu xayaysiiska ku aragnay warbaahinta. Waxa la noogu baaqay inaanu kalluumaysato ahaan kaga shaqayn doono Sucuudiga. Ma ihi kalluumayste laakiin la taliye farsamo ayaan khibradeeda leeyahay dhawr sannadood, dabadeedna waxaan shaqada maamul ahaan kaga codsaday shaqooyinkii la xayaysiiyay. Waxaanu moodaynay inaanu Sucuudiga tagayno, laakiin waxaanu tagnay Somaliland.”
Wuxuu intaas raaciyay, “Qaabka shaqaalaysiintu wuxuu ahaa wax liita. Inta kale may lahayn tacliin. Way aqbaleen wax kasta oo loo sheegay. Laakiin anigu waxaan doonayay inaan ogaado qaabka lanoo shaqaalaysiiyay iyadoo aanu wax caafimaad ahi noogu jirin. Sidoo kale fiisada aanu helnay waxay ahayd booqasho, laakiin may ahayn mid shaqo, mana jirin ogolaansho shaqo. Laakiin shirkadda wakiilka ah ee Tariq ee halkan [Pakistan] ayaa tidhi in waxyaabaha kale ee hadhsan ee shaqada ugu muhiisamn lagu dhammayn doono Dubai.”
Isagoo ka waramaya wixii Dubai ay kala kulmeen, wuxuu yidhi “Markii aanu Dubai gaadhnay, waxa lanaga ururiyay Basabooradi, waxaana lanagu guray diyaarad ku socotay Berbera, Somaliland. Ninkii aanu halkaas kula kulanay wuxuu noo sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland yahay seedigii. Waxaan dalbaday inaan ogaado waxa socda sababtoo ah arrintu waxay u eekaydii inaanu nahay dhibanayaal la tahriibinayo. Laakiin waxa la ii sheegay in shirkadii aanu shaqadeeda codsanay ay naga iibisay shaqaaleeye Somali ah.”
Waxay sheegeen in shirkadda Tariq ee Pakistan ka soo kaxaysay ay shaqaale ka qorato degmada ay ka yimaadeen oo ay ku noolyihiin dad kalluumaysato u badani, taasina ay sababtay inay aaminaan, waxaanay sheegeen inay shirkadaas siiyeen lacag ay sheegeen inaanay badankoodu awoodin balse ay ku dabareen dahabkii dumarkooda oo ay qaarkood xaraasheen, “ Waxa hadda lanoo sheegay in wakiiladu ay ku jiraan heshiis shaqo oo aanu annagu la saxeexanay shirkado kalluumayso oo Somali ah. Waxaanu nahay dad aan waxba baran oo yaqaano uun inay magacyadooda Urdu ku qoraan. Waxaanu [markaas hore] saxeexnay dhukumentiyo dhawr ah, laakiin waxa la noo sheegay inay tahay shirkad Sucuudi ah.” Ayuu yidhi.Waxay nimanki sheegeen in dadkii Somaliland kula wareegay ay u shaqeeyeen, iyagoo cabasho ka muujiyay sida loogu shaqaysan jiray, waxaanay sheegeen inay aakhirkii si qarsoodi ah ula xidhiidheen shirkadii soo shaqaalaysiisay. Waxay sheegeen inaan midkoodna lacag la siinin, ka dibna ay tageen Masaajid, “Waxaanu tagnay masaajid, salaadii makhrib, waxaanan go’aansay inaanu halkaas Qaxoonti ahaan u joogno. Waxaanu la hadalnay qoysaskayagii waxaanan ka codsadanay inay na siiyaan numberka Ansar Burney [nin caawiyay markii dambe] markii aanu sidoo kale helnay Telefoonada shirkadii na khiyaamaysay, wuxuu ninkaasi arintii ku wargeliyay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan., dedaal ka dibna waxa Somaliland noogu timid shirkadii na soo shaqaalaysay si ay noola kulanto.”
Wuxuu haddana ka waramayaa wixii kala qabsaday iyaga iyo shirkadii, waxaanu yidhi “Shirkadii oo ay la socdaan dad kale oo deegaanka ahi ayaa masaajidkii noogu yimid, waxaanay Iimaankii ka codsadeen inay na arkaan. Markii aanu banaanka isula baxnay ee ay na kaxeeyeen waxay naga qaadeen dhammaan telefoonadii iyo kaadadhkii, si aanaan ula xidhiidhin mar kale Ansar Burney Sahab, waxaanay isku dayeen inay na kala qaybiyaan laakiin waanu isku duubnaanay.”
Wuxuu mar kale ninka qisada ka waramayaa yidhi, “Laakiin waxaanu samaynay inaanu khiyaamayno oo ay moodaan inaanaan cid dambe la xidhiidhayn mar haddii ay masaajidkii naga soo saareen. Hal telefoon oo uu leeyahay Mr. Feroze Bhatti oo uu kaadh Somali ahi ku jiro ayaanu weli haysanay, waxaanan ku dedaalnay inaanan iska fashilin, Mr. Sahab ayaanu la xidhiidhnay oo nagu hagay telefooni.”
Sidaas ayay 12 ka mid ah nimankii Pakistanida ahaa sheegeen inay dib ugu noqdeen wadankoodii, waxase ay xuseen inay 8-dii kale weli Somaliland ka shaqaystaan.