Hargeysa (Hubaal) Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay: Qodobka 76aad ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo
Degmooyinka Xeer Lr. 23/2007;
Markuu arkay: Khatarta baaxadda leh ee uu dalka iyo dadka ku hayo dabku;
Markuu arkay: In ay daruuri tahay in la helo cid masuuliyadi si gaar ah uga saaran tahay la dagaalanka dabka;
Markuu garwaaqsaday: In loo baahan-yahay cid isku xidha dadaalada loogu jiro la tacaalidda dabka;
Markuu hubsaday: In Qaranku u baahan-yahay cid si gaar ah ugu xilsaaran la dagaalanka dabka, ka tala-bixinta iyo isku duwidda hawlaha la xidhiidha la dagaalanka iyo ka hortagga dabka;
Markuu si xeel dheer: Ula tashaday dadwayanaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;
Wuxuu soo saaray;
Qodobka 1aad
Aasaas Dab-damiska
Waxa halkan lagu Aasaasay Ciidanka Dab-Demiska Qaranka oo leh Qofnimo Qaanuuneed, xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan kara Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska oo ku leh awoodaha kala ah:
- Helidda warbixinada shaqada, maaliyadda, qiimaynta la socodka siyaasadda, halbeegyada iyo tilmaamaha guud ee Xukuumadda, baabi’inta ku xad-gudubka maamulka iyo awoodda iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska Miisaaniyadda.
- Awoodda kala hormarinta qorshayaasha oo mudnaanta lagu kala siinayo qorshayaasha.
Qodobka 2aad
Ujeedada Dab-damiska
Ujeedada Dab-damisku waa inuu ka badbaadiyo bulshada khatarta dabka.
Qodobka 3aad
Xilka iyo Waajibaadka
Xilka iyo waajibaadka Ciidanku waa:
- Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhisaha lagama-maarmaanka u ah horumarinta ujeedooyinka iyo hababka ka hortagga iyo xakamaynta dabka, iyada oo loo eegayo horumarka xaga wershedaha iyo dhismaha.
- Si deg-deg ah uga jawaabidda marka ay dhacaan Shilalka dabku si loo yareeyo khasaarahooda xaga Nafta iyo Maalkaba iyada oo lala xidhiidhayo hay’adaha kale ee ay khusayso.
- Fulinta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hababka gaarka u ah hawlaha dab-demiska iyo badbaadinta dadka iyo hantida.
- Fulinta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hababka gaarka u ah hawlaha dab-demiska iyo badbaadinta.
- Fidinta wacyi-gelina ka hortaga khataraha dabka iyo shilalka iyada oo loo marayo warbaahinta si loo xaqiijiyo ujeedooyinka ka hortagga dabka.
- Dejinta, rakibaadda iyo dayactirka hab-tilmaama (fire alarm) marka dab kaco iyo qalab lagu damiyo dabka.
- Diyaargaraynta iyo fulinta talaabo kasta oo kale oo looga golleeyahay xaqiijinta ka hortagga dabka iyo suulinta dhibaatadiisa.
Qodobka 4aad
Awoodaha Dab-damiska
- In ay galaan goobaha dabku ka kaco iyaga oo dhawraya xurmada hoyga.
- In ay la wareegaan hantida guurtada ah ee lagama maarmaanka u noqota xakamaynta dabka.
- Ka saarida dadka ku xeeran goobta/goobaha dabku ka kaco.
- Hagidda hawlaha gurmadka iyo badbaadinta ee lagula tacaalayo dabka.
Qodobka 5aad
Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska
Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska waxa loo raacaya habka Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobka 6aad
Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ciidanka Dab-damiska
Xilka iyo waajibaadka Ciidanka dab-damisku waa:
- Hogaaminta, Ciidanka iyo hawlaha gurmadka Dab-damiska.
- Dejinta iyo horumarinta halbeegyada lagama-maarmaanka u ah ka kortagga iyo la dagaalanka Dab-damiska.
- Dejinta qorshayaal lagu kobcinayo, isla markaana kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha lagula dagaalamo dabka .
- U gudbinta hay’adaha ay khusayso warbixino iyo talooyin la xidhiidha khatarta dabka ee dadka soo foodsaari karta.
- Diyaargaraynta miisaaniyada Ciidanka dab-damiska iyo u gudbinta Hay’adaha ay khusayso.
Qodobka 7aad
Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska
Xilka iyo waajibaadka Taliye Ku-xigeenku waa:
- Ka gacansiinta taliyaha Ciidanka Dab-damiska gudashada Xilkiisa.
- Hogaaminta waaxda ama waaxaha uu u xilsaaro hogaamintooda.
- Qabashada xilkiisa marka uu maqan yahay ama uu sabab kale u gudankari waayo xilkiisa.
Qodobka 8aad
Hogaamada Ciidanka
Qaybaha ay ka koobnaanayaan Hogaamada Ciidanka, xilka iyo waajibaadkooda waxaa qeexaya Taliyaha Ciidanka Booliiska.
Qodobka 9aad
Magacaabista Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska
Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Booliiska marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.