HUBAAL Ka AKHRI Magacyada Laba Marxuum Oo Ku Naf-waayay Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Ka Dhashay Soo Dhaweyn+DAAWO SAWIRRADA Shilka

0
46

 

–        Magacyadda dadka geeriyooday iyo kuwo dhaawacmayba

Burco (Hubaal)- illaa laba qof ayaa ku geeriyooday, shan kalana way ku dhaawacmeen Shil Gaadhi oo ku yimi Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka qayb-qaadanayey soo dhawayn loo samaynayey Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqanayey Burco.

Gaadhiga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca keenay oo noociisu ahaa Baabuurta Noohada loo yaqaanno sida la sheegay, ayaa qalliibmay ama dhacay isagoo maraya Waqooyiga-galbeed ee magaalada Burco oo Taageerayaashu kaga hor-yimaaddeen Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ay soo dhawaynayeen.

Allaah ha u naxariistee Magacyada Labada Marxuum ee ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur ayaa kala ahaa Marxuum Jaamac Xasan Ceerigaabo iyo Marxuum Yuusuf Maxamed Diiriye. Kuwaasoo Meydkooda loo qaaday dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer si halkaas loogu aaso.

Magacyada Dadka ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur ayaa iyaguna waxay kala ahaayeen sidan:

1- Sidiiq Xirsi Cismaan

2- Sulaymaan Jaamac Xayd

3- khadaro Axmed Abokor

4- Axmed Ciise Madar

5- Cabdiraxmaan Muuse.

Gudoomiyaha xisbiga WADANI ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii waxyeeladda ka soo gaadhay shil baabuur oo ay taageerayaashiisa ah dhibaato ka soo gaadhay.

“Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhammaan Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan Xaasaskii, Carruurtii, Eheledii iyo Qaraabadii ay ka baxeen labada Marxuun ee Marxuum Jamac Xuseen Ceerigaabo iyo Marxuum Yusuf Maxamed Diiriye oo ku geeriyooda Shil baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Burco, Marxuumintaas oo ka mid dadka ku geeriyooday Shilka-vertGuddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaasoo ka soo baxay magaalada Burco.

Waxaannu Eebbe uga baryayna inu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna Samir iyo Iimaan innaga siiyo, inta ku dhaawacantay Illaahay waxaannu uga baryaynaa in uu siiyo caafimaad sareecana.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Tacsida ah ee uu soo saaray Xisbiga WADDANI”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Wadani.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here