HUBAAL Ka AKHRI: Majaajilaystihii Caadil Iimaan Ku Labayn Jiray Ka Qoslinta Carabta Oo Geeriyooday

0
136

 

 

Allaha u naxariistee waxa maalintii jicmihii caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku geeriyooday, mid ka mid ah dadka loogu jecel yahay dhinaca matalaada iyo majaajilooyinka ee dalkaas, kaas oo lagu magacaabi jiray, Sacid Salax waxaanu ahaa qofka labaad ee soo raaca majaajilaystaha wayn ee Caadil Imaan.

Sacid Salax ayaa sida la rumaysan yahay ka qayb galay, matalaada in ka badan laba boqol oo ruwaayadood iyo sadex boqol oo filim, oo dalkaas laga matalay muddadii uu fanka ku jiray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Masrixiyaadkii loogu jeclaa ilaa walina aan duugoobin ee Madarasatul Mashaaqiin ay ka mid tahay.

Siciid SalaxRiwaayad masrixiyeedkaas aynu kor ku soo xusnay, ayay wada matalayeen, Caadil Imaan, Axmed Yaasiin, Yusra iyo dad tiro badan oo matalaada iyo masrixyaadka dalka Masar looga danbeeyo.

Dhinaca filimada waxa si wayn loogu xasuustaa filimkiisi Rasaastu jeebkayga kama dhamaato oo uu matalay sanadkii 1974-kii, waxa kale oo uu matalay filimo tiro badan oo ay ka mid ahayeen, Anaa Qudus oo uu sanadkii 2010-kii dhigay, waxa ugu danbeeyay filimkiisi Asaasaq ama (Alzheimer’s).

Fanaankan ayaa geeriyooday isagoo lix iyo todobaatan jir da’diisu marayso, waxaana lagu aasay magaalada Qaahira, halkaas oo aas qaran loogu qabtay, hasa yeeshee waxa sii jiri doona, boqolaal filim iyo masrixiyadood oo uu matalay, kuwaas oo dadka badankoodu ku tilmaamaan kuwii loogu jeclaa dalka Masar iyo dunida carabta.

Dad badan oo ka falooda arrimaha fanka iyo qaab matalka fanaaniinta ayaa ninkan ku tilmaamay qof noociisu dadka ku yar yahay, waxaanay dadkaasi ku doodayaan in Said Salah uu ahaa qof Illaahay hibo u siiyay matalada wax kasta oo uu jilayana uu ku ahaa qof kaalintiisa buuxiya, had iyo jeerna waxa uu ahaa qof ku xidhan dadka ay wax wada dhigayaan ama wada shaqaynaan.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here