Kambala (Hubaal/W.wararka) Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Uganda weerarro argagixiso oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Entebbe ee ku dhow magaalada Kambala ee xarunta dalkaasi.
Bogga wararka ee safaaradda Mareykanka ee dalka Uganda ayaa lagu daabacay warbixin lagu sheegay in laga helay booliska dalka Uganda, taasoo caddeyneyso suura galnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca garoonka diyaaradaha ee Entebbe 9:00-ka ilaa 11:00 Pm ee waqtiga Uganda.
Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay inay xilligaasi safraan, kuwaas oo laga yaabo inay dib u dhigaan socdaalkooda.
Afhayeenka booliska Uganda ayaa sheegtay in la adkeeyay amaanka garoonka Entebbe, ayna umuuqanin Qatar weyn oo kusoo wajahan garoonka.
Dalka Uganda ayaa qeyb ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afrika (AMISOM) ka joogaan dalkeena Soomaaliya kuwaasoo dagaal kula jira Al-shabaab.