HUBAAL KA AKHRI: Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Hadashay Mudaharaadka Ka Dhacay Magaalada Gabiley iyo Qaabka ay Xukuumaddu U Waajahday

0
244

Hargeysa (Hubaal)- Xog-hayaha Maalliyada ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid Ibraahim Ayaa Ka Hadashay Shaqaaqada Maanta ay shacbiga gobolka Gabiley kaga jawaabeen saraakiishii lagu dilay Qorilugud iyo qaabkii ay xukuumaddu uga hor tagtay arrintaas.

 

Marwo Faadumo Siciid Oo Waraysi kooban oo arrintan ku saabsan Maanta Siisay Weriye Cabdirisaaq Maxamuud Caalin (Cabdoo) waxa ay shegtay in in ciidammada bilaysku si gurracan u waajaheen hakinta Mashaqadaas, waxa ay cambaaraysay dilka laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Militariga Somaliland.

 

Marwo Faadumo Siciid   ayaa sii kulul uu cambaraysay ciidamada bileyska iyo dawlada Axmed Silaanyo. Iyadu sheegtay in aanay ku jiriin dastuurka Somaliland in muwadiniin mudahaarad salmi ah samayneya ay xabad nool ah loo adeegsado.

 

 

“Wallaahi maanta waxaan jecelahay inaaanan xisbi ahaan idin kula hadlin, laakiinse anigoo Faadumo ahaan oo muwadinad ah aan waraysigan idinku qaabilo. Sababto ah dhacdadan oo kale mucaarid iyo muxaafidba ma kala laha, tan oo kale wa arrin fool xun. Mudaharadka qofka muwaadinka ah xaq buu u leeyahay oo dastuurka ayaa xaq uu siiyey in uu mudaharaad salmi ah ay qabsan karaan, dawladuna waxa xil ka saaran yahay inay ilaaliso aminga dalka iyo dadkaba. Laakiin se laguma talo gelin lamana aqbali karayo inay xabad nool muwadiniinta loo adeegsado, dawladu waxay haysata oo istoodhada ugu xidhan oo ay qariyeen, qalaabkii loogu talo galay mudaharaadka ay ciidanka bileysku  isticmalilahaayeen. Qalabkaas markii aan uu shaqaynayay hay’ada UNDP ayaanu siiney anagu xataa tababarka habka qalabkaas ciidanku adeegsan lahayeen, Sababta loo siiyey ee ay wadamada reer galbeedku gaar ahaan dowlada Ingiriska u siisay waa sidii aanay xabad nool loogu adeegsan dadka muwadiininta ah ee

Mudaharaadaya

.

Dastuurkeenu maa ogola, Diinteenuna ma ogola in caruurteena, lala dhaco xabad nool oo dhimasho iyo dhaawac ku kenaysa. Markaa waxaan dawlada farayaa inay iska dayso xabadan nool ee ay dhalinyartii iyo dumarkii loo adeegsanayo . Waxase ay tahay shay aad iyo aad u fool xun oo meel kastoo aan u marno nala waydiiyo waa maxay sababta ay dawladiinu u isticmaali laadahay qalabkii la siiyay ee lacagta farabadan ay dawladaha shisheeye ee tababarada badan ku bixiyey?” sidaana waxa tidhi marwo Faadumo Siciid oo waraysi uu ka qaaday Cabdirisaq Maxamud Caalin oo ka tirsan wargeyska Saxafi.

 

Su’aal: Waxa kale oo aan waydiiyey marwo fadumo sicid sababta keenta in xabad nool ay ciidamada bileysku u adeegsadaan had iyo jeer muwaadiniinta  mudaharaada, iyadoo ay ciidamada bileysku haystaan qalabkaas?

 

Jawaab “Xabada nool waxa loogu tala galay in layskaga  celiyo dad cadow ah oo la iska celinayo, waxa loogu talo galay dad militeri ah oo islaynaya. Laakiinse looguma talo gelin in dad shacab ah oo muwaadiniin ah islamarkaana aan hubaysnayn xabad nool loo adeegsado xuquuqda aadamahana kuma jirto waana ka mabnuuc, sababta ay dawladaha ajaanibku ugu tobabareena waa inay qalabkan isticmaalaan oo wakhti badan ku qaadatay iyo waliba lacag farabadan ay ku bixiyeen oo ahayd badbaadada dadka muwaadiiniinta ah ee aan hubeysnayn , iyagoo mudaharaad salmi ah samaynaya.

“Miyaaney ahayn dumarkeeniii, caruurteenii iyo rageenii ee muwadininta ahayd ee reer Gabiley miyaaney ahayn dadkeenii dadka caynkan loogu adeegsaneyo xabada nool. Waar reer gabiley miyaaney muwadiniin reer Somaliland ah? Maxaa loo cadaadinayaa oo loo diidayaa xoriyatul qawlkooda, maxaa mar kasta kontaynar loogu dilayaa? Maxa markasta loo leeyahay ma hadli karaan ma dhaqaaqi karaan, maxaa markasta saraakiishooda loo casilayaa ee loo dileyaa. War cadowtinimada reer gabiley loo hayo anigu ma garanayo, dawladu dib ha uga fiirsato oo dib ha isugu noqoto.”

“Waxaan ugu dambayntii uu dirayaa anigoo fadumo siciid ah oo hoyo ah oo habaryaro ah, oo Eedo ah iyo ayeeyo ah. Shacbiga reer gabiley aad iyo aad baan idiinka tacsiyadeenayaa waxa idin ku dhacay, waxaanan Ilaahay idiinka rajenayaa jasaa’id siyoo. Intii dhaawacantayna ilahay ha shaafiyo, hadii qof ku dhimatayna ilahay ha uu naxariisto, waxaana reer gabiley u sheegaynaa maanta waanu idin la ooyaynaa oo wanu idin la baroordiqeyna xannunka idin ku dhacay wa xanun anaga nagu dhacay.” Sidana waxa tidhi xogayaha maliyadda ee xisbiga mucariidka ee UCID marwo Fadumo Sicid Yusuf.

faadumo siciid

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here