HUBAAL Ka Akhri: Maxaa Ka Jira In Khilaaf Ku Suntan Xaaladda Siyaasadeed Ee Xilligani Soo Kala Dhex Galay Boqorka Habar Magaadle iyo Wasiir Cali Maxamed?

0
39

“Wasiirku Waxaa Uu Ka Mid Yahay Ummada Aan Boqorka U Ahay,  Waalidkana U ahay, Waxaana Naga Dhaxaysa Wada-shaqayn, Sidaas Darteed…”- Boqor Maxamuud C. Nuur- Boqorka Guud Ee  Beelaha Habar Magaadle

Hargeisa(Hubaal) Boqorka guud ee beelaha Habar Magaadle, Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay warar ay saxaafaddu baahisay toddobaadkan, kuwaasi sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde.

Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha, isaga oo xusay in Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde   xilka uu hayo ka hor  ay labadoodu saaxiib ahaayeen, imikana ay saaxiib yihiin.

waeranka iyo magadoBoqorka guud ee beelaha Habar-Magaadle, oo Caawa la hadlay saxaafadda, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Wax khilaaf ahi nagama dhexeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, waxaanan beeninayaa wararka lagu baahiyey warbaahinta ee ah inuu khilaaf na soo kala dhex galay, aniga iyo Wasiirka arrimaha gudaha, waxaan leeyahay, waxaasi waxba kama jiraan”

Boqor, Maxamuud Cismaan Nuur, waxa uu tilmaamay in Wasiirka arrimaha guduhu ka mid yahay ummada uu Madax-dhaqameedka u yahay “Wasiirku wuxuu ka mid yahay ummadda aan boqorka u ahay, waalidkana u ahay, waxaana naga dhaxaysa wada shaqeyn, maadaama oo aanu nahay Madax-dhaqameed, isaguna yahay Wasiirka arrimaha gudaha”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Haddiise kaftan na dhex maray, muu ahayn sida ay warbaahintu u qortay, Wasiirnimada iyo xilka uu hadda hayo ka horna saaxiib ayaanu ahayn, imikana saaxiib-baanu nahay”

Boqorka, Maxamuud oo sii hadlay ayaa sheegay in aanay wasiirka arrimaha gudaha isku qaban wax la xidhiidha beelaha Habar Magaadle “Shir Habar Magaado iyo hawlo la xidhiidha oo aanu isku qabanay ma jirto Wasiirka arrimaha gudaha…”ayuu yidhi, Boqorka guud ee beelaha Habar Magaado.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here