HUBAAL Channel DAAWO: Maxaa Ka Jira In Shaqaalaha Golaha Wakiilladu Ay Shaqadii Joojiyeen, Sideese Xildhibaannadu U Arkaan Tallaabadan

0
26

Hargeysa (Hubaal):-Shaqaalaha  ka hawl gala  Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland ee Hargeysa,ayaa maanta shaqo joojin sameeyay ka dib markii la laga jaray  mushaharkii ay qaadanayeen  qadar ka mid ah sidaana waxaa xaqiijiyay oo ka hadlay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Qabille waxaa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyay in ay shaqaale hoosaadka dalka cunaha qabanayso oo ay bakhtiisay isla markaana ay kuwo aan baahnayn ay wax ugu dartay intay hore u qaadan jireen waa sida uu hadalka u dhigay e.

download

“Shaqaalihii maanta ma shaqaynayo.kii 180-ka qaadanayay 80-baa lagu reebay, Xukumaddani waxay ku faantaaShaqaalihii baanu u kordhinay, Ninkii dhargay ayaa dhabarkiisa Subag lagu sii raraye, Marag bay u tahay ta maanta ka dhacday Shaqaalihii golaha wakiilada oo shaqaalihii wuu bakhtiyay” ayuu yidhi Xildhibaan Qabile. Xildhibaan qabile waxaa kale oo uu ka hadlay isla markaana uu walaac weyn ka muujiyay miisaaniyadda sanadka 2015 oo dhawaan golaha la hor keeni doono oo uu sheegay in ay tahay mid dadka danyarta ah iyo shaqaalaha dawladda ee ah dabaqada hoose in lagu dulmiyayo isagoo xildhibaanku sheegay in aanu haddii sidaa lagu ansixiyo isagu ka mid noqonayn kuwa farta u taaga.

 “Waxaanan ka hor dhacayn Xiliga Miisaaniyadda la horkeeno Golaha iyo Sacabbada sida fudud loo taagi doono oo aan war-war badan iyo walaac ka sii muujinayo, balse waa mid aanan la qabin ceebtaasi oo aanan qaadanayn.”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed  Faarax  Qabille.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here