HUBAAL KA AKHRI: Meydka Ilmo Yar Oo Bac Lagu Mooriyay Oo Laga Helay Laag Biyo-mareen Oo Ku Taala Degmada Axmed-dhagax Ee Hargeysa

0
25

Hargeysa (Hubaal)- Ilmo yar oo qiyaastii da’diisa lagu sheegay ilaa laba jir, ayaa maydkiisa oo bac lagu mooriyey laga helay laag biyo-mareen ah oo ku taal badhtamaha xaafadda Siinay, Degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka booliska ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadal falka foosha xun ee lagula kacay ilmaha meydkiisa bacda lagu mooriyey iyo cidda dhagartaas ka dambaysay toona, hase ahaatee dad goob-joogayaal ah ayaa Jamhuuriya u sheegay shalay in wiil da’yar ah arkay maydka ilmaha yar ee laagta la dhigay, dabadeedna lagu wargeliyey ciidanka booliska.

ilmaha-la-mooriyey

Goob-joogayaashu waxa ay caddeeyeen in ilmaha yar maydkiisu midab-doorsoomay, isla markaana qudhmay, lana garanayn cidda dhigtay, waxana halkaas meydka ka qaaday ciidanka bilayska oo baadhitaan ku samaynaya falkaas naxdinta leh.

Ilmahan yar maydkiisa oo dibadda laagta laga soo saaray, ayaa halkaas waxa waxa ku xoomay dadweyne aad u tiro badan oo u daawasho tegay, laakiin xaqiijiyey in aan la garanayn cidda tuurtay ilmahan yar.

Dhacdadan ayaa noqotay mid cidda aragtay aad uga naxday, iyadoo hore loo arkay ubad yaryar oo marka ay dhashaan dooxa iyo bannaanka lagu tuuro, kadib marka hooyadu garan weydo aabbaha dhalay, kuwaasoo inta badan sifo xaaraan ah ku calool gala, balse weli hore looma arag ilmo laba jir ah oo la dilo, maydkiisana bac lagu mooriyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here