Ninkan oo lagu magacaabo Mubaarak Bala ayaa iskaga baxay cusbitaalka lagu daweeyo dadka dhimirka qaba kadib markii uu sheegay in aanu aaminsanayn Illaahay
Hay’ad bani’adminimada u doodda dalka Nigeria ayaa sheegtay in ninka lagu xidhay isbitaalka dadka qaba cudurrada dhimirka sababtuna ay ahayd in uusan rumaysnayn Alle.
Hay’adda ayaa sheegtay in Mubaarak Bala la sii daayay kaddib markii uu isbitaalka lagu hayay uu shaqadii joojiyay.
Waxaa la sheegay in si qasab ah loo daweeyay, laguna qasbay in uu isbitaalka joogo 18 maalmood.
Arrintani waxa ay ka dhacday magaalada Kanu oo ku taalla waqooyiga Nigeria.
Qoyska ninkaasi ayaa shegay in ay isbitaalka u geeyeen cabsi ay ka qabaan in waxyeelo loo geysto maadaama oo uu meel bulsho ah ka qiray in uusan aaminsanayn Allah.
Source: bbc somali