HUBAAL KA AKHRI: Qaraxyaddii Shaannida Oo Mar Kale Soo Roggaal Celiyay Iyo Qarax Labaad Oo Xalay Cawayskii Hargeysa Laga Maqlay

0
56

Hargeysa, Somaliland, (Hubaal)– Xalay sagaalkii iyo badhkii 9:30 caweysnimo ayaa Qaraxii labaad laga maqlay magaaladda Hargeysa iyadoo uu habeen hore sidoo kale Qarax aan dhibaato geysani dhacay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa daboolka ka qaaday in ciidanka Boolisku ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland-ba.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Shalay qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramayay xafiiskiisa ka hor intaan Qaraxa labaad ee Xalay dhicin. In kasta oo aan labadan Qarax wax khasaare ah geysan haddana, Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sidoo kale, markii ugu horaysay tafaasiil ka bixiyay qaraxa hore oo la maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa oo ka dhacay Xaafadda Hindi line-ka, kaasoo cabsi abuuray.

hargeisa “Waxaan halkan kaga hadlayaa farriin yar oo kooban xalay abbaarro 12 iyo waxoogaa,(Habeen hore) ayaa meel diriinayj ah oo Hindiya line-ka ah, ayaa bahal la yidhaahdo shaani laga qarxiyay wax dhibaato ah iyo wax khasaare ah oo ay geysatay midna ma jirto. Arrintaasna dad baanu u soo xidhnay baadhistiina waa lagu jiraa wax kale oo dhibaato ahina ma jiraan.”ayuu yidhi Sareeye guuto Fadal.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan cid kasta oo nabad-gelyadda dalka wax u dhimaysa “Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa cid kasta  oo nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland wax u dhimaysa Ciidanka Boolisku waxay ku qabanayaan gacan bir ah,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.  “Intaas markaan ka gudbo waxaan halkan shacbiga reer Somaliland uga soo jeedinayaa sidii sharafta lahayd ee aanu uga barranay inay ciidanka Booliska gacan siiyaan oo cid kasta oo ay ka dareen qaataan inay nabad-gelyadda khal-khal gelinaysa iyo cidii dhibaato wada Booliska u soo sheegaan. Ciidanka Booliskuna waxay diyaar u yihiin gudashada waajibkooda qaran iyo u addeegida bulshadda Somaliland,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha waxa shirkaasi jaraa’id ku wehelinayay  Taliye Ku xigeenkiisa koowaad Sareeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xili ay Ciidamada Bilaysku shalay qaadeen hawlo galo dad lagu xidh-xidhay, isla markaana qaar kale ku dhaawaceen Magaalada berbera.

Waxaanay hanjabaadiisa dhanka amnigu iminaysaa xili dareen shacbi oo ka dhashay xiisada Khilaafka Kulmiye ka ooganyahay Magaalooyinka waaweyn ee dalka. Islamarkaana, ay hore u jirtay shaki lagu lamaanayn jiray Qaraxyo hore oo Shaani ahaa oo jiri jiray waqtigii Xisbigan is haystaa mucaaradka ahaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here