“Waxa uu ii sheegtay la-taliye wasiir. Warka ayaa igu cusubaa ee si kale u lama aan yaabin, waayo siyaasiga waqtigani waa daankii-la-orod. Haddii uu maanta si kulul uga horjeedo kuwa dalka xukuma, marka mansabkeeda loo lulo, dhakhsoba raarteeda ayuu ka soo jeestaa”.
Nin isqaadaya oo sanka is-taabanaya ayaannu Hargeysa ku kulannay. Waxa aan ku ogaa xubin ka mid ah xusbi kuwa mucaaridka ah; waxa uu se igaga oo baxay meel aanan ka eegaynin.
Waxa uu ii sheegtay la-taliye wasiir. Warka ayaa igu cusubaa ee si kale u lama aan yaabin, waayo siyaasiga Soomaaliyeed ee waqtigani waa daankii-la-orod. Haddii uu maanta si kulul uga horjeedo kuwa dalka xukuma oo uu goldoloolo ay leeyihiin iyo mid aanay lahayn ba dabagalo, marka mansabkeeda loo lulo, dhakhsoba raarteeda ayuu ka soo jeestaa. Qowl iyo ficilba halkii uu shalay taagnaa waxba ka ma jiraan; ninku ba kii ma aha. Waxaa sidaa ku sii dhiirrigeliya bulsho illowshiiyo dhow oo aan xuusannin isna xusuusinnin raad uu shalay lahaa iyo meel uu cag dhigay toona.
Baaniso qabiil oo dheer (iyo faan ku dhex jiray) dabadeed, waxa uu saaxiibkeen ii sheegay in uu wasiirka ka soo dhammayn doono cuqaal iyo ugaasyo cusub oo reerka ah. Waxa aan mooday in uu ammaan iyo dhiirrigelin iga sugayo. Sidaas darteed waa aan ka waabiyey oo waxa aan ka maray dhinaca kale. Waxa aan weydiiyey waxa ay dadka tarayaan kuwan uu macaga caaqil iyo suldaan “asagu siin doonaa”. Waxa uu yidhi lacag baa loo dhiibayaa, si ay tolka ugu soo jiidaan dhinaca taageerada xukuumadda jirta. Kuwii hore wuxuu yidhi waa badow reer miyi ah. ‘Oo miyaan reerka laftiisa waxba laga weydiinaynin arrinka’? Odayaasha reerka uu magaciisa wadwado waxba ku ma xidhna; weydiinteeda na sanka ayuu is-taabtay oo waxa uu yidhi cid na taladeeda ugu noqon mayo; tayda ayey noqonaysaa.
Intaas ka dib la ma sii wadwadin. Isla weynida iyo sanka uu is-taabtay cid la’ ayey ku dhacayaan; hayeeshee waa runtii oo tiisa ayey noqonaysaa. Soomaali ba maanta ma jiro reer taladiisa gacan ku haya oo guddoon uu u dhan yahay loogu madax yahay. Waxa aynu joogto u maqalnaa oo ku dhegabarjownay suldaammo, garaaddo, ugaasyo, cuqaal iyo wax la mid ah oo ay hebello is-urursay u cimaamadayaan. Kuwa kelidood cimaamadanaya na malaha waa jiraane. Ammiin Caammir baa isha ka riday oo sawir gacmeed ku muujiyey nin kelidii geed cid la’ ah hoos fadhiistay oo caano dhusha iskaga shubay. Waxa ay u dhigmaan lacagta maydhaanka ah ee la been-abuuro ee sayladaha ganacsiga la soo geliyo iyo fasahaadka dhaqaale ee ka dhasha. Kuwan ayaga waxa ka dhasha fasahaad siyaasadeed iyo bulsheed iyo anshaxeed.
Yaa loo cimaamaday ama ay u cimaamadteen? Jawaabtu waxay taal meesha ay joogaan ee aynu had iyo jeer ka helayno. In badan waxay ka muuqdaan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan, xarumaha xafiisyada maamulka dawladda hortooda. Kuwaas ayuu saaxiibkay ku faanayaa in uu samayn doono- sidii uu Caka Furtay ama se (iyadaa ka dhowe) uu Falasdiin xoreeyey! Waxay ku fadhidaa koox afmiishaarro qabiil ah iyo googo’ lacageed oo maalin jooggood ku filan. Dhawr meelood ha kuu raacaan oo magaca ha kuugu yeedhaan; Tv na ha lagugu arko oo warkaagu ha ka baxo.
Madax qabiil, rabitaanka iyo guddoonka wadarta reerkiisa ayuu milge ku lahaa; kan uu siyaasi dan lehi soo magacowday ama jinni-boqorka asagu ba kelidii iskeenay waa been-abuur. Meel musuq xad-dhaafay bay na taasi ka socon kartaa.
Dhibaatadu intaas ka sii fog; waayo waa la isku dayanayaa oo hungurigu, mar kasta kuwo hor leh buu soo dhaqaajinayaa oo uu halkaas marinayaa. Reerka waxba loo ma aha ee hunguriga ayaa tolliimadii loo huwanayaa. Runtii maanta isku reer waxb la isugu ma aha. Dadkii tolka ahaa dan baa kala kaxaysay; meel na ku ma wada noola; isku nolol na ma aha. Intoodii miyiga ku hadhay waxay ku sugan yihiin dhul-daaqeenkoodii oo nabaad-guuray. Kuwo ka mid ahi waa toolo-joog caydh ah, kuwo ka sii badanina waxay uga boqooleen magaalo oo ay ku camal la’yihiin. Waxay u baahan yihiin isbeddel horumar dhaqaale iyo bulsheed oo heerka noloshooda kor u qaada. Waxay u baahan yahiin hoggaan wacyi bulsho siydadeed u kordhiya oo kor u qaada awood ay talada dalkooda ku saamayn karaan oo danahooda dhabta mayaliya. Waxay u baahan yahiin isahaansho haybad qaran leh iyo sharci iyo caddaalad ay dugsadaan oo ay kaga maarmaan hungada joogta ah ee madhanta qabyaaladeed. Suldaan iyo caaqil, ugaas, garaad iyo malaaq, horumar iyo wax u eg uma soo sidaan, bal way ka sii fogaynayaan. Waayo horumar qolo saanyadaa ma jiri karo ee waa been-abuur lagu danaysto.
Horumarka bulsheed, haddii la helo, reerku wuu ku kala maarmamaya, waa na uu ku kala tagayaa. Haddii ay sidaas noqonto na waa hagaag; waa sida ay danta koritaanka qarannimadu ku jirto. Hayeeshee, isla markii, magacyo suldaan cuqaal iyo boqor ku-sheeg sii badanaya, iyadana tolliimadu way ku tirmaysaa; si xun bayse ugu tirmaysaa oo waa la isnacayaa. Sidaas darteed waxa aan saaxiibkay, si guudmar ugu sheegay anigu in aanan qabiil ku jirin, in uu tirmo oo meesha ka baxano aan jeclahay. Waxa aan hadda ku darayaa oo aan leeyahay: waxaa ii kala duwan in uu qabiilku ku tirmo geedisocodka isbeddelka iyo horumarka dhaqaale bulsheed ee dabeeciga ah iyo in uu ku baxo nac iyo colaad dadka dhexdiisa ah. Labadani isugu kay mid ma aha; waayo tan dambe qaran iyo wax walba waa lagu waayaa. Tu walba waa lagu seegayaa.
Hunguri cimaamadan oo maalin kasta sii badanaya iyo hoggaankii qaranka oo laaca u lulaya wax badan baa ku qiimi beelaya. Maxaa madaxtinnimo lagu qaayo soori, haddii gebigeedii ba laga dhigay hunguri maalmeed. Caaqil iyo suldaan baa la wada sheegan, madaxnimo ba way nuxur beeli oo cid loo yahayba waa la garan waayi. Suldaan iyo caaqil, ugaas iyo garaadba, kooda ay weli sarriigasho ku hadhay ee dhaqankii suubbaanaa ku dheggan, asagu na magaca la dilay ayuu ku dhimanayaa. Kuwa geed-ku-maranka ah ee soo dhawaan baxay, ayaa magaca lagu nacayaa; magaca dhintay baa ayaga na dilaya. Ma aha madax qabiil oo keli ah, bal madaxtinnimo oo dhan ayaa milgo beelaysa. Qaayaha madaxtinnimo ama is-hoggaamintu waxay ka mid tahay qiyamta lafdhabarta u ah jiritaanka bulsheed. Qiimo-siintii madaxtinnimo ayadana sidan waa lagu seegayaa. Khasaareheedu waa burbur dhinac kastaba ah iyo wixii Soomaaliya ka dhacay.
Tu kale na waa lagu seegayaa oo anshaxii dadnimo ayaa dhimanaya. Runtii baa la dayrinayaa oo been baa la boqrayaa. Marka dadkii dunta lahaa, nin aanay dirsannin looga soo caleemo saaro meel oo aanay joogin, lagu dhaho waa idiin madax, waxaa la sheegay been dhar la’, dadka na waxaa lagu la kacay quudhsi foolxun. Waxaa la moodaa xoolo la leeyahay oo qowsaarro (caaqil iyo suldaan la magacowday) la raacsanayo. Tuugo na way ku jirtaa oo talo wadari leedahay ninka kelidii iska qaatay ee, haddii la yidhi maxay ku dhacdayna, sanka is-taabtay falkiisu magac buu leeyahay. Haddii aynu Hebellada iska dhaafno, meesha dhibaatadu ka imanaysaa waa jagada hoggaaminta qaranka. Waa halkii han iyo hirasho laga dayanayey. Haddii ay halkaa ka yimaaddaan, beenta iyo tuugadu way xalaaloobayaan oo ku daynaysigooda ayaa dhaqan noqonaya. Ifafaalaheeda maanta bushada Soomaalida meel walba waa laga helaa mushkiladdaas.
Xilka iyo hantida qaran asagu na waa ammaano culus. Lacagta uu saaxiibkay yidhi caaqil iyo suldaanno ayaa la siinayaa waa cashuurtii dadka saboolka u badan laga soo ururiyey. Taasi na waa ammaano darro. Waxay ka mid tahay anshax dadnimo ee la ina hoojinayo; waa wax qaali ah oo aynu if iyo aakhiro ba seegayno. Qabyaaladda iyo tolliimada hunguriga ku dhisan, tu adduun iyo tu aakhiroba waynu ku waayeynaa.
Laga ma maar-maanka ay tahay in aynu giddigeen-madax iyo minjo, heer kasta- isku raacno waxaa u horreeya noolaynta iyo xoojinta qiyamta Anshaxa dadnimo. Meel fog na ugu noqon mayno oo ka baadidooni mayno. Marka hore kitaabka Alle (swt) iyo sunnaha Rasuulkiisa Maxamed (scws) ayaa inau filan. Marka xigana xikmaddu waa baadideenna oo meel kasta oo ay jirto, cidi inaga ma xigto.
Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”
August 31, 2014
Email: inacabdillaahi@yahoo.com
Qormadan Oo Faahfaahsan Halkan Ka Akhri