HUBAAL KA AKHRI: Qorshaha La Doonayo In Lagaga Hortago Cudurka Dilaaga Ah Ee Ebola Ee Ka Dilaacay Dalka Uganda Kuna Sii Fidaya dalalka Galbeedka Africa

0
44

Uganda (Hubaal/bbc) Cudurkan oo uu dhaliyo virus khatar ah oo lays qaadsiiyo islamarkaana deg deg wax u dilaya ayaa la sheegayaa in in boqolkiiba 90 dadka uu ku dhaco dhintaan. Qorshe lagaga hor tagayo cudurkan Ebola ayaa 10 milyan oo doolar lagu isticmaali doonaa in lagu dhiso xarun lagula socon doono cudurka Ebola. xaruntaas waxa laga dhisi doonaa dalka Guinea, waxaana loo adeegsan doonaa in lagu sameeyo baadhitaano iyo in lagula socdo cudurka si loo xakameeyo cudurkan.

cudurka ebola

Wasiirada caafimaadka ayaa ka dalbanaya madaxweynayaasha galbeedka Afrika in ay sameeyaan wax intaasi ka badan. Waxay doonayaan in madaxda galbeedka afrika ay mudnaanta kowaad siiyaan sidii wax looga qaban lahaa cudurka Ebola marka ay ku kulmayaan Accra ee dalka Ghana, shir madaxeedkooda waddamada ECOWAS.

Waxay sidoo kale doonayaan in la kordhiyo shaqaalaha caafimaadka goobaha uu cudurkani ka jiro. Waddan kasta waxa laga doonayaa in uu lacago ku biiriyo qasnada deg dega ah ee loogu talagalay in wax looga qabto cudurka Ebola. Agaasimaha hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO Dr. Lius Sambo ayaa sheegay in hay’adiisa ay u baahantahay taageero ay ka hesho deeq bixiyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah si ay u helaan lacagaha ay u baahan yihiin in ay wax kaga qabtaan virus-ka ebola.

Waddamada uu saameeyey cudurkan ee ay ka mid yihiin Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone ayaa sheegay in dhaqanka iyo lacag la’aan yihiin caqabadaha hortaagan in ay la tacalaan cudurkan. Kullankan oo socday laba maalmood haddana kama uu soo bixin xal deg deg ah.

Kullanka ayaa sidoo kale u saaray hay’adda WHO in ay isku dubarido dadaalada wax lagaga qabanayo guud ahaan waddamadan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here